Maalintii shalay ahayd Madaxwaynaha Jamhuriyadda Fedraalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safray Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, kadib casuumad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Rejeb Dayib Erdugaan.
Si la ogsoonyahay Dawladda Turkiga ayaa wadday dadaal iyo wada-hadal xal loogu raadinayo xiisadii ka dhex aloosanayd Dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka sharci darrada ahaa.
Waxaa lagu wadaa in wareegga saddexaad ee wadahalada Ankara ay isku arki doonaan laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Wada hadaladan oo ay majaraha u heyso dowladda Turkiga, ayey dadka qaar ku kala aragti duwan yihiin maxsuulka ka soo bixi kara, waana mid isha lagu wada hayo.
Dadka Qaar ayaa aaminsan in Turkiga uu awood u leeyahay in dhinacyada uu isku soo dhaweeyo, isla markaana la gaaro xal waara oo dan u ah gobolka, oo mudooyinkii ugu danbeeyey ay hareysay xiisada labadan dal.
Balse kuwa kale ayaa sheegaya in wada hadaladan ay ku soo idlaan doonaan fashil, maaddaama dhinacyadu ay aad u kala fog yihiin, Soomaaliyana ay mowqifkeeda ku dhagan tahay, halka Itoobiya ay adag tahay in ay ka tanaasusho heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland.
Si kastaba Turkiga ayaa saaxiib la ah labadan dal ee ku yaalla geeska, waxaana gudaha labada dalba uu ka wadaa mashaariic, isagoo saldhigiisa ciidan ee ugu weyn Afrika ku leh Soomaaliya, waana mid aan dooneyn in labada dhinacba uu mid lumiyo, maaddaama ay maslaxadiisa diblomaasiyadeed ku jirto, balse waxaa laga dhursugayaa natiijada ka soo baxda wada hadaladan.