Toddobaadkan waxaa la ciyaaray kulamo xiiso badan oo ka tirsan koobka kooxaha qaarada Yurub ee loo yaqaan Champion League, waxaana guulo gaaray inta badan kooxaha waa weyn ee horyaalada Yurub.
Group-A haddii aan ku horeyno, waxaa hannaan qurux badan ku hoggaamineysa kooxda kubbadda cagta ee Buyern Munich, taas oo kulankeedii seddexaad guul gaartay.
Buyern ayaa 3-1 ugu awood sheegatay naadiga reer Turki ee Galatasaray, kulan ciyaareed xiiso badan oo ka dhacay garoonka Rams Park ee magaalada Istanbul.
Man United oo iyadan isla guruupkan ku jirtay, ayaa guul dirqi ah ku gaartay garoonkeeda, oo ay ku soo booqatay kooxda FC København, waxaana guulka guusha daqiiqadii 72-aad u saxiixay daafacooda Harry Maguire, waana guushoodii ugu horeysa ee Champion League , xili ciyaareedkan.
Group-B naadiga Arsenal ayaa guushii labaad gaartay, markii ay u itaal sheegatay naadiga reer Spain ee Sevilla, taas oo ay uga badisay 2-1, isla guruupkaas, waxaa bar bar dhac galay kooxaha PSV iyo RC Lens, sidaas ayeyna Arsenal 6-dhibcood hoggaanka ugu heysaa guruup-kaasi.
Group-C Waxaa kulankeedii seddexaad guul gaartay naadiga Real Madrid, taas oo 2-1 kaga badisay kooxda reer Portugal ee Sporting Braga, halka Napoli oo 6-dhibcood kaalinta labaad ugu jirtana ay guul ka gaartay naadiga Jarmalka ah ee lagu magacaabo FC Union Berlin, oo kaga adkaatay 1 iyo waxba.
Group-D Inter ayaa 2-1 kaga badisay RB Salzburg, halka kooxda Spanishka ah ee Real Sociedad, ay 1-gool kaga adkaatay Benfica, waxaana guruupkaasi min 7-dhibcood kuwada hoggaaminaya Real Sociedad iyo Inter Milan.
Group-E Feyenoord ayaa 3-1 ku dhufatay kooxda Talyaaniga ee Lazio, halka ay bar bar dhac ku heshiiyeen kooxaha Celtic iyo Athletico Madrid, iyadoo guruupkaasina ay 6- dhibcood hoggaanka ugu heyso kooxda Feyenoord.
Group-F Kooxda Paris Saint-Germain ayaa 3-gool ku xaaqday naadiga AC Milan, waxana dhinacooda dhulka la dhigay Newcaste oo garoonkeeda ku casuuntay kooxda Borussia Dortmund, waxaana guruupkaasi 6- dhibcood oo nadiig ah ku heysa PSG.
Group-G waxaa hoggaanka u heysa kooxda Man City oo kulanki seddexaad ka badisay BSC Young Boys, halka kooxda Jarmalka ee RB Leipzig oo kaalinta labaad 6-dhibcood ugu jirtana ay dhagta dhiiga u dartay kooxda Crvena Zvezda.
Group-H waxaa dhanka sare joogta oo 9-dhibcood leh naadiga Barcelona oo Shakhtar Donetsk uga adkaatay 2-1, halka kooxda Porto oo leh 6-dhibcoodna ay 4-1 ku xaaqday naadiga Royal Antwerp FC.
Koobka kooxaha Yurub ee Champion League oo ah mid xiiso badan, ayey kooxaha qaar u muuqdaan in ay soo gaari karaan wareega 16-ka, halka kuwo kalana aan la saadaalin karin, sababo la xiriira qaab ciyaareedkooda, waxaana kooxaha laga cabsi qabo in ay group-yada ku haraan ka mid ah AC Milan, Man United iyo kuwo kale, oo koobkan taariikh ku leh.