Toddobaadkan waxaa la ciyaaray kulamo xiiso badan oo ka tirsan horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League, waxaana mar kale dhinacooda dhulka la dhigay Man City oo horyaalka hoggaamineysay tan iyo markii uu billawday.
Tottenham Spurs oo ka mid ah xilli ciyaareedkan kooxaha la loodin la’ yahay, ayaa gool iyo waxba ugu awood sheegatay naadiga Luton, taas oo sababtay in farqi dhanka goolasha ah, ay ku qabato hoggaanka.
Naadiga City ayaa gashay kaalinta seddexaad ee kala horeynta horyaalka, kadib guuldaro xanuun badan oo ay kala soo hoyatay garoonka Emirates Stadium, iyadoo Gunners Arsenal ay uga badisay gool iyo waxba.
Ciyaartan oo aad loo wada sugayey, ayey Arsenal iska tirtay taariikh mugdi ah oo ka heysatay City, taas oo ay ka badin weysay kulamada horyaalka tan iyo sanadkii 2015-kii, waxaana Arsenal ay iminka ku jirtaa kaalinta labaad, waxeyna isku dhibco wataan Spurs, oo farqi dhanka goolasha ah, hoggaanka ku heysa.
Kooxda Chelsea ayaa u muuqata mid soo noolaaneysa, waxeyna labadii kulan ee ugu danbeysay soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.
Blues ayaa Burnley ku xaaqday 4-1, kulan ciyaareed xiiso badan oo ay marti ku ahayd garoonka Turf Moor ee ay ku ciyaarto kooxda Burnley.
Manchester United ayaa soo laabasho cajiib ah sameysay, kulan ay guul ka gaartay Kooxda Brentford, oo 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ku hoggaamineysay hal gool, waxaase Red Devils ay ka faa’iideysatay waqtiga dheeriga ahaa, iyadoo la timid labbo gool.
Naadiga Liverpool ayaa Brighton & Hove Albion la gashay bar baro 2-2, ah halka kooxda Newcastle ay iyaduna bar baro ku heshiiyeen naadiga West Ham United.