Waxaa galabta la ciyaaray kulamo ka tirsan horyaalka Premier League Ingiriiska, kuwaas oo aad u xiisa badnaa, isla markaana isha lagu wada hayey.
Kooxaha waa weyn qaarkood ayaa dusha loo suray guul daro xanuun badan, halka kuwa kalana ay gaareen guulo la taaban karo.
Kooxda Manchester City oo arbacadii laga reebay koobka League Cup-ka dalka Ingiriiska kadib guuldaro qaraar oo ay kala kulantay Kooxda Newcastle ayaa mar kale dhinaceeda dhulka la dhigay, kulan ciyaaree xamaasad huwanaa oo ka tirsan Premier League.
City waxaa guul daradan dhadhan siisay kooxda Wolves oo ay ku booqatay garoonkeeda Molineux Stadium, kulan aad u xiisa badnaa oo ay hoggaamiyayaasha doonayeen in ay hoggaanka ku dheereystaan.
Kulankan ayaa ku soo idlaaday 2-1 oo ay guusha ku raacday City, waxaana taasi ay ka dhigan tahay in iminka ay horyaalka ku heyso Hal dhibic oo qura.
Kooxda Brighton & Hove Albion oo sanadkan car car xooggan qabta laguna tirinayey kooxaha u dagaallamaya ku guuleysiga horyaalka ayaa la kulantay dharbaaxo culus, kulan ay la ciyaartay naadiga Aston Villa, kaas oo ku soo dhamaaday 6-1.
Kooxda Manchester United ayaa iyadana dhinaceeda dhulka la dhigay, waxaana Gool iyo waxba ugu awood sheegatay naadiga Crystal Palace, kulan xiiso badan oo ka dhacay garoonka caanka ah ee Old Trafford.
Kooxda Arsenal ayaa guul kala soo hoyatay kooxda AFC Bournemouth, kulan ay Arsenal marti ahayd oo ka dhacay gigada kooxda AFC Bournemouth ee lagu magacaabo Vitality Stadium.
Macallin Arteta iyo xidigihiisa ayaa 4- gool iyo waxba ku dhuftay Bournemouth, waxaana xusid mudan in Kai Havertz uu shabaqa ku hubsado goolkiisii ugu horeeyey ee uu u dhaliyo Arsenal, kaas oo ahaa gool ku laad.
Kooxda Newcastle ayaa garoonkeeda ku dubatay kooxda Burnley FC oo ay kaga adkaatay 2-0, halka naadiga West Ham United ay iyaduna gaartay guul, kadib kulan ay la ciyaartay Sheffield United oo ku soo dhamaaday 2-0.
Kulanki ugu xiisaha badnaa ayaa caawa ka dhacay garoonka kooxda Tottenham Hotspur waxa ay Spurs ay la ciyaarta kooxda Liverpool, kulan aad loo wada sugayey.
Qeybtii hore ee ciyaarta Heung-min Son ayaa gool uga naxsaday Reds, waxeyse soo bar bareysay waqtiga dheeriga ee lagu daray qeybtii hore ee ciyaarta, iyadoo goolkaasina uu u saxiixay Cody Gakpo oo baas ka helay daafaca reer Holand Virgil van Dijk.
Liverpool oo la daalaa dhaceysa Kaarkii casaa ee la siiyey Curtis Jones daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta, ayaa mar kale kaar cas laga siiyey Diogo Jota kadib labbo Jaalle oo is biirsaday.
Daqiiqadihii dheeriga ee lagu daray ciyaarta ayey Spurs heshay goolka guusha, kaas oo uu iska dhaliyey xidiga Liverpool khadka dhexe uga ciyaara ee Joel Matip.
Manchester City ayaa hadda hoggaanka horyaalka ku heysa 1 dhibic, iyadoo leh 18 dhibcood waxaase ku soo xiga, kooxaha Tottenham iyo Arsenal oo iyaguna wadaaga 17- dhibcood, halka Liverpool ay ku jirto kaalinta 4-aad iyadoo leh 16 dhicib.