Toddobaadkan waxaa la ciyaaray kulamo ka tirsan horyaalka Ingiriiska oo ah mid aad u xiiso badan, waxaana natiijooyin kala duwan ay ka soo baxeen kulamadii la ciyaaray.
Hoggaamiyayaasha horyaalka Tottenham Hotspur ayaa guul ka gaartay kooxda Crystal Palace, waxaana guusha oo ahayd mid dirqi ah daqiiqadii 94-aad ee waqtiga dheeriga gool u saxiixay Spurs xidigooda Jordan Ayew, taas oo ciyaarta ka dhigtay 2-1, isla markaana Spurs u saamaxday in ay weli hoggaanka sii hayaan, iyagoo leh 26-dhibcood.
Kooxka Arsenal ayaa iyaduna 5-gool ku xaaqday Naadiga Sheffield United, kulan ciyaareed xiiso badan oo ka dhacay garoonka kooxda Arsenal ee Emirates Stadium.
Weeraryahanka Arsenal ee reer England Eddie Nketiah ayaa ciyaartan saxiixay Seddexleey, waxaana macallin Arteta uu kulankan nasiiyey xidigo badan oo muhiim u ahaa, kuwaas oo uu ka mid yahay kabtanka naadiga wiilka reer Norway Martin Ødegaard
Man City ayaa iyaduna guul ka soo hoysasy kulankii Derby Manchester, waxaana ciyaartan si aad ah uga dhex muuqday Erling Haaland oo shabaqa ku hubsaday labbo gool, isagoo mid kalana caawiyey.
Kooxda Liverpool ayaa dhankeeda gaarta guul muhiim ah, waxaana 3- gool iyo waxba ay uga badisay naadiga Nottingham Forest.
Goolasha Reds labbo ka mid ah oo dhashay qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa kala saxiixay xidagaha Diogo Jota iyo Darwin Núñez, waxaana ka soo shaqeeyey oo caawiyey goolashan xidiga khadka dhexe ee reer Hungary Dominik Szoboszlai, kaas oo ay dhawaan Liverpool kala soo wareegtay kooxda reer Jarmal ee RB Leipzig.
Naadiga kubbada Cagta Chelsea ayaa ku jirta waayaheedii ugu xumaa kubbadda cagta, waxaana gurigeeda Stamford Bridge uga badisay kooxda Brentford FC, oo 2 iyo waxba ku dhufatay.
Waxaa waqtigan loo cabsi qabaa shaqada macallinka Chelsea Mauricio Pochettino, kaas oo la kulmaya dharbaaxooyin culus oo diidi kara in ay kooxda usoo baxdo Champion-ka.
Macallin Unai Emery ayaa wax badan ka baddelay qaab ciyaareedka naadiga Aston Villa, kuwaas oo iminka ka mid ah kooxaha ku jira kaalmaha sare.
Villa ayaa 3-1 ugu awood sheegatay naadiga Luton United, waxaana kooxda ay ku jirtaa mid ka mid ah waayaaheedii ugu wacnaa.
Dhanka kale waxa bar bar dhac ku heshiiyey kooxaha Wolverhampton Wanderers iyo Newcastle United , kadib kulan ciyaareed xiiso badan oo ka dhacay garoonka Wolves ee lagu magacaabo Molineux Stadium, kaas oo ay soo xaadireen taageerayaal gaaraya 31.584 oo qof.