Toddobaadkan waxaa la ciyaaray kulamo xiiso badan, oo ka tirsan Horyaalka Ingiriiska, waxaana inta badan guuleystay kooxaha waa weyn ee loo saadaalinayo ku guuleysiga horyaalka Premier league.
Kooxda Man City oo horyaalka difaacaneysa ayaa guul dirqi ah oo 2-1 uga itaal roonaatay naadiga Sheffield United, waxaana City goolka guusha ay heshay daqiiqadii 88-aad ee ciyaartay, iyadoo uu u saxiixay Rodri oo baas ka helay da’yarka ingiriiska Phil Foden.
Chelsea oo Stamford Bridge ku qaabishay naadiga Luton Town oo sanadkan imaaday horyaalka Premier league, ayaa guul raaxo leh ku gaartay garoonkeeda, waxeyna Luton Town ku dhufatay 3-gool iyo waxba.
Kooxda Man United ayaa 3-2 uga badisay kooxda Nottingham Forest, waxaana xusid mudan in United labbada gool lagala hormaray, waxeyse sameysay soo laabasho cajiib ah.
Kooxda Liverpool ayaa iyadana guul taariikhi ah kala soo hoyatay Garoonka St James’ Park oo ay ku ciyaarto kooxda Newcastle, halkaas oo uu ka dhacay kulan indhaha lagu wada hayey.
Qeybtii hore ee ciyaarta Reds waxaa daqiiqadii 25-aad gool uga naxsaday Anthony Gordon, waxaana xigay in daqiiqadii 28-aad kaarka cas loo taago Virgil van Dijk, taas oo soo koobtay rajadii taageerayaasha Liverpool ee kulankaasi.
Waxaase wax walba ay is baddeleen markii daqiiqadii 81- aad ee dhamaadka ciyaarta uu Darwin Núñez shaqaba ku hubsaday goolkii bareejada, isagoo waqtiga dheeriga ee ciyaartana Reds u saxiixay goolka guusha, oo ahaa baas uu ka helay Mo Salah, oo uu daba mariyey goolhayaha Newcastle Nick Pope.
Sidoo kale Tottenham Spurs ayaa iyaduna labbo gool kaga adkaatay AFC Bournemouth, kulan xiiso badan oo ka dhacay garoonka kooxda Bournemouth ee lagu magacaabo Vitality Stadium.
Kooxda Arsenal ayaa ah kooxda keliya ee aan toddobaadkan guuleysan kooxaha waa weyn ee horyaalka Ingiriiska, waxeyna baro- baro 2-2 ah la gashay naadiga Fulham, kulan xiiso badnaa oo ka dhacay garoonka Gunners.
Horyaalka waxaa hoggaamineysa Naadiga Man City oo xilli ciyaareedkii hore-na ku guuleysatay, waxeyna hoggaanka ku heysaa 9 dhibcood, iyadoo wada guuleysatay dhamaan 3-dii kulan ee horyaalka ee la ciyaaray.
WQ: Ayanle Qoyste