Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa booqday xarruunta Dhexe ee Midowga Afrika oo ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Ururkaasi, Maxamuud Cali Yuusuf.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada xasilinta Soomaaliya, xoojinta nabadda iyo amniga gobolka, iyo qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Midowga Afrika taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka AS oo ay garab ku siiyaan ciidanka xoogga.
Dhankiisa, Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf ayaa muujiyay sida uu Midowga Afrika uga go’an yahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib u dhiska dowladnimada, iyo horumarinta dadaallada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.
Midowga Afirka ayaa dhawaan wakiil rasmi ah u soo magacaabay Soomaaliya, kaasi oo la filayo inuu ka shaqeeyo dardar galinta howlgalka AUSSOM iyo Wadashaqeynta Dowladda Federaalka.
Howlgalka AUSSOM ayaa wajahaya culeysyo dhinaca dhaqaalaha ah, iyada oo Golaha Ammaanka ay qabteen dhowr shir oo looga hadlay xallinta caqabadaasi.