18 Muwaadin oo muddo ku xayirnayd gudaha Suudaan kaddib markii ay saameyn taban ku reebty colaadda Dalkaas ayaa maanta lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo Dalkooda sida ay sheegtay Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaas.
Dadkaan ayaa la kala geeyay Magaalooyinka Hargaysa iyo Muqdisho sida lagu sheegay war kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Suudaan, 16 qof ayaa laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargaysa halka 2 kale ee laga dejiyay Muqdisho.
Suudaan waxaa ku sugan Soomaali dalkaas u kala aadday Waxbarasho iyo Ganacsi, waxaa saameyn taban ku reebay dagaallada sokeeye ee Dalkaas ka dhacay, qaarkood ayaa kol hore isaga baxay goobaha colaaddu saameysay halka qaar kale ay ku xayirmayn.