Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hadal uu jeediyey uga hadlay ismar-waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland.
Muuse Biixi ayaa sheegay in ay la soo laabteen midnimadii ay Koonfur la midoobeen 1960-kii, wuxuuna xusay in aysan dhici karin mar kale in ay isku soo laabtaan labada gobol.
Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa faragelin ku eedeeyey dowladda dhexe, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay sii kala fogeyneyso dadka Soomaaliyeed.
Muuse Biixi ayaa ugu danbeyntii sheegay in ay dhaqan galinayaan heshiiskii ay dhawaan la galeen Itoobiya, ee lagu siinayey Xukuumadda Addis qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.
Somaliland oo 30 sano ka hor sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa weli naawileysa in ay hesho ictiraaf caalami ah, balse tallaabadaasi ayaa u muuqata mid ay adag tahay sidii ay ku hirgali lahayd.