Dhacdo aad u naxdin badan ayaa ka dhacday Degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir, halkaas oo nin ka tirsan dadka deegaanka uu ku gubay xaaskiisa iyo caruurtii uu aabaha u ahaa.
Sida dadka deegaanka ay warbaahinta u sheegeen, ninkan ayaa qolka ku xiray xaaskiisa iyo caruurtiisa, wuxuuna intaasi kadib qolkii ay ku jireen uu ku bil bilay caag shidaal ah, isagoo kadibna dab qabad siiyey.
Arrintan ayey dadka deegaanku ku sababeeyeen hinaaso soo food saaray ninka, isagoo intaa dabadeedna ku dhaqaaqay falkan argagaxa leh.
Ninka falka geystay ayaa baxsaday, waxaana booliska Dharkeenleey ay sheegeen in ay wadaan baaritaan ay ku baadi-goobayaan ninka falkan ku kacay.
Ooridiisa uu dabka qabad-siiyey ayaa iminka dhaawac aad u daran ah, waxaana magaceeda lagu sheegay Luul Cabdicasiis, iyadoo sida la xusay lahayd uur lix bilood ah.
Waxaa sidoo kale falkan ku dhaawacmay mid ka mid ah caruurtiisa, kaas oo iminka laga deyrinayo xaaladiisa, maaddaama uu dabku si xooggan u saameeyey.
Gudaha Muqdisho, waxaa inta badan ka dhaca dhacdooyinka noocan oo kala ah ee argagaxa leh, waana kuwo abuura hadal heyn aad u ballaaran.