MUQDISHO, Magaalo madax ay ku nool yihiin wax ka baddan 3-milyan oo qof, kuwaas oo dhibanayaal u ah canshuurta ay bixiyaan.
Waxaa dadkan laga qaadaa canshuuro kala duwan: Sida tan ganacsiga, jid marista, qashin qaadista iyo mida guryaha haddana ma jirto adeeg la taaban karo, oo bulshada dib loogu soo celiyo.
Amni, Caafimaad, Waxbarasho Wadooyin hagaagsan intuba ma helaan muwaadiniinta.
Inta badan jidadka magaaladu waxey isugu jiraa kuwo xiran iyo qaar bur bursan, oo uu qashin qub buux dhaafiyey.
Wadooyinka dib loo dayactiray Badankood, kolka uu roobku da’o waxaa adag maristooda, waxaa intaas dheer saameynta ay daadku ku yeeshaan guryaha rayid iyo xanibaada howlahooda ganacsiga.
Muqdisho marka ay caasha ka soo muuqdaan daruuri biyeysan oo cishadaas di’i raba, waxey bulshada u noqotaa maalin madow, sababtuna waa wal walka ay shacabku ka qabaan saameynta uu nolol maalmeedkooda ku yeelanayo biyaha roobka oo meel walba oo magaalada ah fariisanaya, taas oo hakineysa dhaq dhaqaaq walba oo nololeed oo magaalada ka jira, isla markaana galaafaneysa nolosha dad rayid ah.
Daruuftaas oo jirta, weli gobolku wuxuu doonayaa in canshuurta la bixiyo, waxaana aroortii hore goobaha ganacsiyada ku jarmaada askari qori sita oo minishiibiyo ah, kaas oo haddii uu maqlo weedh ka duwan lacagta hoo, tallaabadii uu doona ku dhaqaaqa, xitaa haddii ay nqoto mid ay u go’eyso naf.
Dakhligaas dowladda hoose xafiiskeeda maaliyada ku dhaca, Maxaa lagu qabtaaa, sidee cabashada muwaadiniinta loo xalin karaa?
Dhamaan Weydiimahan iyo Su’aal walba oo madaxda gobolka la hordhigo,wey adag in ay jawaab sugan bixiyaan.
isku duubni la’aanta bulshada ayaa noqotay mid beylah ka dhigtay muwaadiniinta, mana oga xuquuqda lagu leeyahay iyo tan ay leeyihiin sidoo kalana ma hayaan marinkii ay u mari lahaayeen raadinta xuquuqda ka maqan, ilaa intee ayeyse qaadan kartaa in ay ogaadaan cududooda.
Si kastaba waqtian Shacabku waa kuwa aqbalay daruuftan waxaasea maangooda ka dhex kuuxaysa Hal xiraale ah, Maddaale miyaa ah Mushkilada magaaladdan Caasimada ah, mise midnimo la’aanteena.