Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga ciiday, ayadoo ay tahay maalinta koobaad ee munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carafo, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay isugu hambalyeeyeen farxadda iyo barakada maalintan qiimaha weyn ku leh Muslimiinta.
Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan SheekhMaxamuud, ayaa ayaguna shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo, iyagoo u rajeeyay nabad, barwaaqo iyo midnimo.
Salaadda Ciidda ayaa si ballaaran loogu oogay masaajidda iyo fagaarayaasha waaweyn ee magaalada Muqdisho, halkaas oo kumannaan qof oo isugu jiray rag, dumar iyo carruur ay ka qeyb-galeen cibaadada iyo dabaaldegyada maalintan.
Kadib salaadda, boqolaal ka mid ah shacabka ayaa u dareeray goobaha nasashada iyo dalxiiska ee caasimadda si ay ula qeybsadaan farxadda ciidda qoysaskooda iyo asxaabtooda.
Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho ayaa laga dareemayaa cariiri xooggan iyo dhaq-dhaqaaq aan caadi ahayn, maadaama dad badani ay ku jireen socdaallo la xiriira dalxiis, booqashooyin qoys iyo damaashaadyo kala duwan oo lagu maamuusayay munaasabadda ciidda.
Guud ahaan, jawiga ciidda ayaa ahaa mid farxad iyo reynreyn leh, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay muujiyeen dareen wadajir, xasillooni iyo dabaaldeg ku aaddan munaasabaddan weyn ee diiniga ah.
