Dowladdaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa ayaa xaqiijiyey in dhammaanba muhaajiriintii 48 ahaa ee noloshooda ku waayay xeebaha Jabuuti ay ahaayeen mudwaadiniin Itoobiyaan ah.
Sida laga soo xigtay Safaaradda Itoobiya ee dalka Jabuuti Dhacdadan, ayaa dhacday 01 October 2024, waxaana sababay kadib markii ay quuseen labo doomood oo aad u buux-dhaafay, kuwaasoo ay saarnaayeen 320 muhaajiriin ka yimid Yemen oo Jabuuti ku soo jeeday.
Itoobiya ayaa tilmaanay in cadeymo buuxda ay u heyso in dhamaan muwaadiniintaasi ay ahaayeen Itoobiyaan, waxana ay xuseen in hannaanka xaqiijinta goobta uu shilku ka dhacay uu muujinayo.
Xukuumadda Addis waxay sidoo kale hoosta ka xariiqday in dadka gaaraya 197 ee ka badbaaday shilkaas lasoo badbaadiyay lana geeyay xerada qaxootiga caalamiga ah ee ku taalla Obock.
Safaaradda ayaa sheegtay in ay si aad ah uga murugeysan tahay dadka noloshooda ku waayay shilkaas iyadoo intaa raacisay in weli dadaallada baadigoobka ay socdaan, isla markaana la baadi goobayo dad kale oo la la’yahay kuwaas oo tiradoo ay gaareyso 75 ruux