Tan iyo markii uu nidaamka dowladnimo dib uga hirgalay Soomaaliya waxaa la xusayey 26-ka June oo ah markii gobolada waqooyi ay xornimada qaateen, iminkana waa kuwo taagan bannaanka oo dalbanaya in ay noqdaan dowlad maddax bannaan.
Waqooyiga Soomaaliya, oo uu xilligan ka jiro maamul la magac baxay Somaliland, kuma qanacsana in koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya looga dabaal-dego cishadii ay xornimada heleen, maaddaama ay dhicisowday himiladii midnimada.
Mowqifkooda waa mid cad, oo aan daah saarneyn, waa kuwo doonaya in ay noqdaan dowlad ka mid ah kuwa geeska Afrika.
Inkastoo qudhooda ay xusaan maalinta 26-ka June, haddana waa kuwo uga hadlo dhibaatooyinkii ay ka dhaxleen, midnimadii gobolada waqooyi iyo kuwa koonfur .
Xuska 26-ka June, sida la rumeysan yahay Somaliland, waxaa kala qiimo weyn muuneynta iyo soo dhaweynta 18 May oo ah markii ay dhidibada u taageen Maamulka Somaliland, muddo hadda laga joogo 32 sano.
Mudadaas waxey gucla orad fara badan ugu jireen sidii ay mar qura u noqon lahaayeen qaran si qumaati ah cagihiisa ugu taagan oo dunida ku leh ixtiraam, balse dadaaladaasi ma dhaboobin.
Caqabadahaasi oo jira, ilaa intee le eg ayey dowlada Soomaaliya wadeysaa xuska 26-ka June, maaddaama weli aan fara lagu heynin gobollada waqooyi, dowladduna ay ka arrimiso koonfurta iyo bartamaha dalka.
Sida ay aqoonyahanadu sheegayaan Muhiimada koowaad ee nuxurka u yeeleysa xuska 26-ka June ayaa noqoneysa in xoogga la saaro soo celinta midnimadii ambatay, taas oo adag waqtigan, sababo la xiriira fashilkii ku yimid wada hadaladii ay hore u yeesheen labada dhinac, oo maraaxilo kala duwan soo maray.
Wada Hadalada labada dhinac
Fikrika ah in ay wada hadlaan Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu markii ugu horeysey ka soo billowday shirkii caalamiga ah ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada London, sannadkii 2012-kii. Mid ka mid ah qodobadii shirkaasi ka soo baxay waxa uu dhigayay in “beesha caalamka ay taageerto ahmiyadda ay leedahay in wadahadalo ay dhexmaraan” Somaliland iyo Dowladd Soomaaliya.
Dhawr bilood ka dib shirkaasi waxaa isla magaalada London ka qabsoomey shirkii ugu horeeyey oo ay toos isku soo horfadhiistaan labada dhinac, wuxuuna shirkaasi dhacay 20-kii bishii June, 2012-kii.
Waxaa isla sannadkii 2012-kii, magaalada Dubay ku kulmay madaxwenihii Dowladdii Kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii Somaliland ee xilligaasi Axmed Maxamed Siilaanyo. Waxaa kulankaasi martigleisay Dowladda Imaaraadka Carabta.
Labada madaxweyne ayaa amray in guddiyada farsamo ee labada dhinac matalayay ay sii wadaaan wadahadallada, balse arrintaasi hakad ayaa ku yimid
Doorashadii dalka ka dhacday 2012-ka kadib iyo dowladii ka dhalatay ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billawday in ay ambaqaado wada hadaladii dhinacayada u socday, wuxuuna xasan sheekh kulan la yeeshay Madaxweynihii Somaliland ee wakhtigaa Axmed Siilaanyo kuwaa oo isku arkay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.
Kulankoodaas waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo xiligaasi ahaa Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, waxaana kulankaasi wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland dhex dhexaadinayey Wasiirkii Arrimaha dibadda Turkiga Axmed Daud Oglu
Dhinacayda ayaa kulankaas intii uu socday ku heshiiyay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin; Xoojinta nabad galyada gobolka, Wadaagista xogta ku saabsan amaanka, Tababarada iyo deeqaha in la wadaago iyo in laga fogaado hadalo xanaf leh oo waxyeelayn kara kulamada socda.
Waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay 90 cisho ka dib isugu yimaadaan isla dalka Turkiga si loo sii wada wadahadallada, waxaana muddo kooban kadib Istanbul ku qabsoomay bishii July 2013-kii. Kulankii ay qorsheeyeen kaas oo lagu lafa guray arrin muhiim ah oo ahayd maamulka hawada Soomaaliya.
Waxay ku heshiiyeen in maamulka hawada oo ay waqtigaasi maamuleysay Qaramada Midoobay laga soo wareejiyo, isla markaana saldhig looga dhigo Hargeysa, lana qeybsado dakhliga ka soo xarooda maamulista hawada.
Si arrintaasi loo dhaqan galiyo dhinacyada ayaa mar kale ku kulmay Istanbul bishii January 2014-kii iyagoo ku heshiiyay in la sameeyo guddi farsamo oo labada dhinac ah kaas oo ka shaqeeya qaabkii maamulka hawada loogu soo wareejin lahaa Hargeysa. hase ahaatee taasi ma noqo arrin mira dhasha
Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sidoo kale dabayaaqadii 2014-kii Djibouti ku saxiixday heshiis ka kooban 6 qodob, waxaa ku jira in la sii wado wadahadallada, inaan la siyaasadeyn deeqaha, iyo inay mar kale ku kulmaan Istanbul si ay uga dooddaan arrimaha xasaasiga ah ee miiska saaran.
Dhinacyada ayaa sidii ay ku heshiiyen isugu tagay magaalada Istanbul balse fool ka fool uma aysan kulmin.
Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay fashilka shirka. Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka ah inay si ula kac ah ugu soo dartay wakiiladeeda dad asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, kuwaas oo ay Somaliland diiday in ay la fariisato
Wixii intaasi ka danbeeyey dhaq dhaqaaq rasmi ah oo ku aaddan in wada hadalada dib la soo celiyo dhinacyadu ma muujin, balse madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dib u doorashadiisii kadib, Cabdi- Kariin Xuseen Gulleed oo ay saaxiib dhaw yihiin u magacaabay ergay ka shaqeeya wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo ilaa maanta aan tallaabooyin muuqda u qaadin hore u dhaqaajinta in mar kale ay dhinacyadu is hor fadiistaan
Si Kastaba marka la eego sooyaalka wada hadaladoodii, waa kuwo aan si furan uga wada hadalin arrinta midnimada, sida muuqatana Soomaaliya kama maaranto goboladda, waqooyi oo iminkaba siyaasiyiin ayaa ku matala dowlada dhexe, halka Somaliland ay iyaduna ku adkeysaneyso mowqifgeeda gooni isutaaga, waxaana dhamaan arrimahani ay bidhaaminayan in ay kooban tahay rajada ku qotonta dib usoo noqoshada midnimo labada gobol, maaddaama xaalku yahay midi midi ku taag.