Thursday, December 18

Duqeymo ayaa la soo warinayaa in ay ka dhaceen magaalada Nuur Dugle iyo deegaannada hoos yimaada halkaasi oo ay saaka AS ku soo qaadeen weerar qaraxyo ku billaawday.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in la maqlayo dhawaqa duqeymaha iyo rasaas goos goos ah, iyadoo dagaalkii saaka uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah.

Ciidamada Danab ee Xoogga dalka iyo Macawiisleyda deegaanka ayaa gudaha magaalada kula dagaalamay xubnaha AS ee halkaasi weerarka ku soo qaaday.

Xaaladda magaalada Nuurdugle ee gobolka Shabeellada Dhexe Ayaan weli daganeyn, iyadoo ciidamada dowladda ay xaqiijinayaan Amniga.

Weli Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle kama hadlin weerarkaan ku billaawday qaraxyada ee ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe.

Exit mobile version