Thursday, December 18

Guddoomiyaha gobolka Awdal ee Somaliland Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa si rasmi ah u shaaciyay tirada khasaaraha ka dhashay mudaharaadkii dhawaan ka dhacay magaalada Boorama, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac baahsan oo soo gaaray shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 19 qof oo shacab ah ay ku dhinteen mudaharaadka, halka 214 kale ay ku dhaawacmeen.

Sida uu xusay, 20 ka mid ah dhaawacyada ayaa weli lagu dabiibayaa cisbitaallada gudaha, iyadoo qaar ka mid ah dhaawacyada culus loo qaaday dibadda dalka si loogu helo daryeel caafimaad oo dheeraad ah.

Mataan ayaa sidoo kale caddeeyay in dadka dhintay ay isugu jiraan 18 rag ah iyo hal gabadh.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in tiradan aanay ku jirin ciidamadii dawladda ee waxyeelladu ka soo gaadhay mudaharaadka iyo dhacdooyinka la xidhiidha, isla markaana faahfaahin dheeraad ah laga bixin doono marka la helo xog dhamaystiran.

Mudaharaadka Boorama ayaa abuuray dareen walaac iyo murugo leh, iyadoo bulshada deegaanka iyo hay’adaha ay ugu baaqayaan in la sameeyo baaritaan hufan, lana hubiyo daryeelka dhaawacyada, si looga hortago in mar kale ay dhacaan khasaare la mid ah kan hadda dhacay.

Exit mobile version