Shaqaalaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa maanta markale sameeyay shaqo joojin, kaddib cabasho ay ka muujiyeen shirkadda Fafoori ee maamusha garoonka.
Shaqaalahan ayaa dhigay dibadbax ka dhacay gudaha iyo agagaarka garoonka, iyagoo dalbanaya in si degdeg ah wax looga qabto cabashooyin ay sheegeen in muddo dheer ay ka taagnaayeen.
Shaqaalaha ayaa ku eedeeyay shirkadda Fafoori in ay ku xadgudubto xuquuqdooda shaqo, islamarkaana aysan ka jawaabin dalabyo ay horey u soo gudbiyeen.
Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in dhibaatooyinkooda ay ka mid yihiin mushahar la’aan ama dib u dhac ku yimaada, shaqo ka saarid sharci-darro ah, iyo xaalado shaqo oo aysan ku qanacsaneyn. Waxay intaas ku dareen in gadoodkan uu yahay mid ay ku muujinayaan dulqaadkoodii oo gabaabsi ah.
Ma ahan markii ugu horreysay oo shaqaalaha garoonka Aadan Cadde ay qaadaan tallaabo noocan ah, waxaana dhowr jeer oo hore ay sameeyeen dibadbaxyo iyo shaqo joojin la xiriira isla cabashooyinkan, hase yeeshee ay sheegeen in aan weli xal waara laga gaarin.
Ilaa hadda, shirkadda Fafoori iyo hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh kama aysan hadlin cabashada shaqaalaha, iyadoo shaqo joojinta ay saameyn ku yeelan karto howlaha garoonka haddii aysan si degdeg ah u dhammaan.
Shaqaalaha ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada in ay si degdeg ah u soo farageliyaan arrintan, si loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha loona hubiyo sii socoshada adeegyada garoonka.

