Hoggaamiyaha cusub ee dalka Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii xilka loo magacaabay jeediyay bayaan rasmi ah oo laga akhriyey telefishinka qaranka.
Khudbaddan ayaa timid xilli xiisadda gobolka Bariga Dhexe ay sii kordheyso, iyadoo Iiraan ay ku jirto xaalad dagaal iyo cadaadis siyaasadeed, Bayaanka uu jeediyay hoggaamiyaha cusub wuxuu si gaar ah uga hadlay weerarro dhowaan ka dhacay dalka, oo ay ku jirto weerar lagu qaaday dugsi gabdho oo ku yaalla magaalada Tehran.
Sida uu sheegay, weerarkaasi wuxuu sababay dhimashada 168 qof oo rayid ah, kuwaas oo ay ku jireen 110 carruur ah, Dowladda Iiraan ayaa mas’uuliyadda weerarkaasi dusha ka saartay United States iyo Israel.
Hoggaamiyaha cusub ayaa sheegay in dalka Iiraan uusan ka laaban doonin aargoosiga dadka lagu dilay weerarradaas, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhiigga dadka ay dowladda ku tilmaantay “shuhado” aan la dayici doonin. Wuxuu xusay in tallaabooyinka aargoosiga ah ay horey u bilaabmeen, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga gaarayo waxa uu ku tilmaamay caddaalad buuxda.
Mojtaba Khamenei ayaa xilka hoggaamiyaha sare ee dalka la wareegay kaddib geeridii aabbihiis, Ali Khamenei, oo sida ay sheegeen wararka dowladda Iiraan lagu dilay weerar ay ku lug lahaayeen Maraykanka iyo Israa’iil. Geerida hoggaamiyihii hore ayaa sii kordhisay xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo dalalka reer galbeedka.
Khudbaddiisa ayuu sidoo kale kaga hadlay suurtagalnimada in Iiraan ay xirto marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Strait of Hormuz, oo ah mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee saliidda adduunka laga gudbiyo. Wuxuu sheegay in xiritaanka marin-biyoodkan uu weli yahay ikhtiyaar ay dowladda Iiraan miiska saaran tahay, isla markaana la baarayo furitaanka jabhado kale oo dagaal haddii xaaladda colaadeed ay sii socoto.
Hoggaamiyaha cusub wuxuu sidoo kale sheegay in Iiraan ay ka dalban doonto cadawgeeda magdhow ku saabsan khasaaraha soo gaaray shacabka iyo kaabayaasha dalka. Wuxuu intaas ku daray in haddii magdhowgaas la diido, Iiraan ay qaadi doonto tallaabooyin kale oo ay ku beegsan karto hantida iyo danaha dalalka ay u aragto inay mas’uul ka yihiin weerarrada.
Khudbadda hoggaamiyaha cusub ee Iiraan ayaa si weyn u soo jiidatay indhaha caalamka, iyadoo falanqeeyayaal badan ay ka digayaan in hadalladan ay sii kordhin karaan xiisadda gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan haddii ay dhacdo in la xiro marin-biyoodka Hormuz ama ay sii xoogaystaan weerarrada u dhexeeya dhinacyada is haya.
