Qaar ka mid tirsan Qubarada u ololeeya Afka Soomaaliya iyo soo nooleyntiisa ayaa walaac ka muujiyey kororka waqtigan ee ku aaddan boorarka afafka qalaad ee milkiilayaashu ku dhajistaan ilinka mehradahooda ganacsi, taas oo sida ay tilmaameen hoos u dhigeysa qiimaha afka Soomaaliga, muujineysana in bulshadu ay afkooda ka doorbideen mid shisheeye, oo ay adeegsigiisa ilbaxnimo u arkaan.
Prof Cabdalla Mansoor oo ah khabiir aqoon u leh dhaqanka iyo afka Soomaaliga ayaa sheegay in dadka xarumahooda ganacsi u adeegsanaya afafka qalaad, in ay yihiin kuwa saluugsan afka soomaaliga, iyagoo luuqadaha shisheeyana u arka kuwo milgo leh oo ka saameyn badan afkooda hooyo.
Cabdiqaadir Nur Xuseen Maax Gudoomiyihii hore ee Akadeemiyada cilmiga dhaqanka iyo fanka iyo suugaanta ayaa VOA u sheegay in boorarkan afafka qalaad ee ku ilinka xardhan xarumaha ganacsiga ay kordhiyeen dhalintii garaadsatay bur burkii kadib iyo qaar qurba joog ah oo uu sida uu sheegay aan fahamsaneyn qiimaha afka Soomaliga.
Barre Sheekh Cabdulaahi oo ah xubin ka tirsan Akadeemiyada cilmiga dhaqanka iyo fanka iyo suugaanta, ayaa ka warbixiyey Waxyaabaha Akadeemiyada uga qorsheysan adeegsiga boorarka afarka qalaad iyo sida loo joojin karo waqtigan.
Bur burkii dalka wixii ka danbeeyey waxaa gudaha dalka ku soo badanayey boorarka xarumaha ganacsi ee ay ku qoran yihiin afafka qalaad, taas oo inta badan keenta in qaar ka mid ah bulshada ay hareer maraan goobihii ay usoo muraadeen, sababo la xiriiraa xarunta uu adeega usoo doontay oo aanan wadan magac Soomaali ah, oo qofka u bidhaamin lahaa in goobta ay tahay halkii uu doonayey, waxaase qubarada u ololeeya afka Soomaaliga ay ku talinayaan in laga feejignaado dhaqankan,sii baahaya, loona istaago sidii loo noleyn lahaa afka Soomaaliga, milgihiisana loo ilaalin lahaa.