Maamulka SSC Khaatumo ayaa sharuud hor leh ku xiray Somaliland, si uu u sii daayo maxabiista faraha badan ee gacanta maamulkan KMG ah ku jira.
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo saacadihii la soo dhaafay warbaahinta kula hadalay Laascaanood ayaa sheegay in ay gacanta u hayaan 292 maxbuus oo ka qabteen Somaliland.
Wuxuu sheegay in maxaabiistan ay sii deynayaan marka la gaaro heshiis rasmi ah, isla markaana ay Somaliland ballan qaado in ay faragelinta ka deyneyso deegaanada Khaatumo.
Wuxuu sheegay Firdhiye in hanjabaad iyo daan daansi walba oo ka yimaada Somaliland ay sii adkeyneyso xoriyada maxaabiistan, wuxuuna ku taliyey in gogol nabadeed la dhigto isla markaana halkaasi heshiis lagu kala saxiixdo.
Maxaabiistan oo ay tiradoodu gaareyso 292 ayaa Somaliland looga qabtay dagaaladii xooganaa ee ka dhacay gudaha Laascaanood iyo duleedkeeda, halkaas oo milatariga Somaliland loogu awood sheegtay.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in mid ka mid ah maxaabiista uu u geeriyooday dhaawaciii soo gaaray, waxaana marxuumkaasi lagu wareejiyey ICRC oo meydkiisa u geysay qoyskiisa.