Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay guul kale oo taariikhi ah, kadib markii ay si rasmi ah ula wareegtay 7dii bishan Abriil kursiga Nabadda iyo Amniga ee Midawga Afrika oo ay ku fadhin doonto 2026—2028, Bishii Feeberaayo ee sanadkan ayaa kursigan loo doortay Soomaaliya oo markeedii ugu horreysay taariikhda ku guulaysatay tan iyo aasaaskii golaha ee 2003dii.
Muxuu yahay kursigan ay Soomaaliya ku guuleysatay?
Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midawga Afrika ee Soomaaliya ay ku biirtay oo ah oo ah hay’ad muhiim ah oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika, qaab ahaan waxuu u sameysan yahay una shaqeyaa sida golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.
Waxuu mas’uul ka yahay: Ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka iyo dagaallada Afrika, Dirista ciidamo nabad ilaalin ah, La socodka xaaladaha amni ee dalalka xubnaha ka ah ururka, Soo rogista tallaabooyin sida cunaqabateyn marka loo baahdo iyo, Ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah.
Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika, ku guuleysiga kursiganwuxa uuu suurtagelinayaa in ay go’aan ku yeelato maareynta, keenista iyo bixitaanka ciidama nabad ilaalinta guud ahaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.Mustaqbalka ciidanka shisheeye ee AUSSOM ee joga gudaha Soomaaliya iyo hannaanka ciidanka xoogga dalku ay kula wareegayaan guud ahaan amniga dalka,ayay Soomaaliya ku yeelaneysaa door muhiim ah.
Waa sidee qaab dhismeedka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika?
Goluhu wuxuu ka kooban yahay 15 dal, 5 dal oo mudda xileedkooda yahay seddex sano iyo 10 dal oo mudda xileedkoodu yahay 2 sano, Saami ahaan 15 kaas kursi waxa ay kala yaalaan 5 meelood, Bariga Afrika waxaa taala 3 kusri, Bartamaha Afrika waxaa taala 3 kursi, Waqooyiga Afrika 2 kursi, Galbeedka Afrika 4 kursi, Koonfurta Afrikana waxaa taalla 3 kursi, Shantaas qeybood ee saamiga ah qeyb walba waxa ay leedahay hal kursi oo muuddo xileedkiisu yahay seddex sano iyo kuraasteeda kale oo muudo xileedkooda yahay 2sano.
10-ka dal ee ku soo baxay in ay ku fadhiyaan kuraasta muuda xileedkoodu yahay 2026—2028 ayaa kala ah: Somalia, Uganda, Benin, Morocco, Gabon, South Africa, Sierra Leone, DRC Kongo, Cote d ivoire iyo Lesotho. Halka shanta dal ee kuraasta seddexda sano ku guuleysatay ay kala yihiin: Masar, Equatorial Guinea, Angola, Gambia, iyo Ereterea.
Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay guushan?
Ku guuleysiga kursi ka tirsan Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika waxay Soomaaliya u tahay guul taariikhi waxayna sare u qaadeysaa saameynteeda siyaasadda, fursadaheeda amniga iyo kalsoonida lagu qabo dalka.
Dhanka Siyaasadda, Soomaaliya waxa ay ka mid noqoneysaa dalalka go’aamada ka gaaraya dagaallada iyo khilaafaadka Afrika, sidookale waxa ay saameyn ku yeelaneysaa jihada siyaasadeed ee qaaradda. Taas oo kordhineysaa miisaanka Soomaaliya ee Ururka Midowga Afrika.
Dhanka Amniga, Soomaaliya waxay si toos ah uga qayb qaadaneysaa go’aamada la xiriira la dagaalanka Argagixisada (sida Al-Shabaab iyo Daacish) iyo howlgallada nabad ilaalinta ee gudaha iyo gobolka.Sidoo kale waxa ay awood u yeelaneysaa inay difaacdo danaha amnigaqarankeeda.
Dhanka Kalsoonida, Kursigan waxa uu muujinayaa in Soomaaliya dib u soo ceshatay kalsoonideedii caalamka iyo in qaaradda aamintay in dalku uu si dhab ah uga soo kabanayo burburkii iyo dhibaatooyinkii hore.
Marka la soo kobo, kursigaan waxa uu siinayaa Soomaaliya laba fursadood oo waaweyn kuwaas oo kala ah: In Soomaaliya ay saameyn toos ah ku yeelaneyso go’aamada amniga qaaradda, Iyo in ay Soomaaliya awood buuxda u yeelaneyso in ay qeyb ka ahaato fadhiyada go’aamada looga gaarayo amniga qarankeeda sida : Isbadellada Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, La dagaalanka Argagixisada gobolka oo ay ku jiraan Al-Shabaab iyo Daacish, Ilaalinta Madaxbanaanida dalalka Afrika iyo arrimo kale oo masiirka qaaradda quseeya, waana tallaabo kale oo ay qaaday Soomaaliyada cusub.
