Qalalaasaha amni ee marar badna ka dhacay Somaliland waxa uu banyaal ka dhigayaa goldaloollada baaxadda leh ee ka jira heshiiska siyaasadeed ee Somaliland. Tabashooyinka daaran qaybsiga awoodda, khayraadka iyo metelaada ayaa si isa soo taraysa isugu rogaya gacan ka hadal.
Sannadihii u danbeeyay waxaa si weyn u gilgilmay amniga gudaha ee Somaliland. Yagleelka maleeshiyo beeleedyo iyo isu dhacyada hubaysan ee sahayday naf iyo maal ayaa caqabad ku noqday xasilloonida waddanka iyo wadajirka bulshada. Tan iyo Diisembar 2014, saddex kooxood oo hubaysan ayaa xukuumadda ku kacay oo horseeday burbur, dhimasho iyo dhaawacba. In kaste oo si ku meelgaadh ah loo xakameeyay maleeshiyaadkan, haddana, sannadkan kuwo cusub ayaa lagu dhawaaqay. Colaadii Laascaanood ee 2022-kii, isku dhacyadii Ceerigaabo ee 2025-kii iyo shaqaaqada haatan ka taagan Boorama iyo Seylac waxay summad u yihiin goldaloollada ka taagan amniga gudaha ee Somaliland.
Walow ay ku kala gedisan yihiin colaadahani— salkooda, waqtiga ay bilaameen, yoolka iyo dhinacyada ku lugta lehba; fasiraado kala duwanna la siiyay, hadday tahay mu’aamarad ay ka danbeeyaan xoogag qalaad, fursad-ka-faa’idaysi ammaba tabashooyin xaq ah, haddana, waxa ay ka mideysanyihiin qanaaco la’aanta nidaamka awood iyo khayraad qaybsiga Somaliland haatan ku salaysantahay. Kooxaha iyo maleeshiyaadka kala gadisan ee ka horjeestay xukuumadihii Somaliland waxa ay wadagaan dalabyadooda u sinnaanta gaadhista khayraadka, mashaariicaha horumarineed, isu dheellitirka magacaabisaha xafiisyada dawladda iyo adeegyada asaasiga ah ee bulshada. In kaste oo tabashooyinkani xaq yihiin, haddana waxa soo noqnoqotay xoog ku raadintooda.
Tan iyo markii ay ka soo dhex baxday dambaskii burburka colaadihii sokeeye ee Soomaaliya 1991-kii, Somaliland waxa ay ku raadjoogtay helitaanka aqoonsi caalami ah, iyadoo isu dhigaysay in ay tahay waddan ku astaysan xasillooni iyo dimuqraadiyad. Isla jeerkaana, waxa kobcayey filashada shacabka. Bulshada Somaliland oo u badan dhallinyar aan xusuusan wakhtigii adkaa ee laga soo doogay sagaashannadii ayaa u hanqal taagaya horumar nabadda labeeya. Waxa ay dalbanayaan fursado dhaqaale iyo kobcinta heerka nolosha.
Cadaadisyadan waxaa uga sii daray caqabadaha isbeddelka cimilada iyo degaan. Somaliland waxa ay wajahaysaa masiibooyin cimilo iyada oo ay kooban tahay gaadhisteeda maalgalineha cimilada iyo nidaamyada la tacaalista. Sida ay tusmeeyeen tirakoobyada xukuumaddu, abaarha hadda ku habsaday Bariga dalka iyo xeebuhu waxa ay barakiciyeen bulshooyin dhan, waxaanay albaabada isugu laabeen 154 dugsi, taas oo waxbarashada seejisay 14, 457 arday. Hadda, waxaa magaalooyinka hoganaya qoysas tirobadan oo ay masiibooyinka isbeddelka cimiladu soo barakiciyeen. Saamaynta togan ee isbeddelka cimiladu waxa ay ragaadiyeen kalluumaysigii, beerashadii iyo xoola dhaqashadii aasaaska u ahayd nolosha reer baadiyaha, taas oo ku khasabtay in ay u qaxaan magaalooyinka oo ay markii horeba fursaduhu ku yaraayeen. Caqabadahan cimilo iyo fashilka nidaam ee ku ladhan ayaa tirtiray kalsoonidii iyo dulqaadkii ay dadku ku qabeen nidaamka siyaasiga ah.
Mashruuca dawlad dhiska Somaliland waxa udub-dhexaad u ah laba tiir oo lammaan; nabadda iyo dimuqraadiyadda. Tiirka hore waxaa loo guntaday in lagu gaadho isku tanaasul iyo heshiis ay bud-dhig u yiihiin oday dhaqameedku, si ay u furdaamiyaan khilaafaadka qaab nabdoon. Tiirka nabadda iyo odey-dhaqameedka ayaa lagu go’aansaday in lagu soo daro qaab-dhismeedka nidaamka dawliga ah ee Somaliland, gaar ahaanna shirkii Boorama ee 1993-kii, oo markii danbena lagu rasmiyeeyay shirkii Hargeysa ee 1997-kii, iyada oo lagu asaasay Golaha Guurtida, oo noqday aqalka sare ee baarlamaanka Somaliland. Golahan oo loo igmaday kor joogtaynta nabadda, xasilloonida, dhaqanka iyo qiyamka Islaamiga ah, waxa uu ka shaqeeyay dhexdhexaadinta, dhisida is aaminaada iyo xallinta tabashooyinka xilli ay dakharradii colaaduhu meel walba hadheeyeen. Waxaanay lagama maarmaan u ahaayeen xasillinta bulsho burbur ka soo baxday.
Hasa ahaatee, maanta waaqacii wuu is beddelay, golaha Guurtiduna waxa uu noqday gole waa dhaaf ah. Maanta hawlaha taagani ma daarana hub ka dhigista maleeshiyaad, ma khuseeyaan qaadista isbaarooyin sharci darrada ah, mana daarana xallinta khilaafaadkii colaadaha ka dib – hawlahani goortay taagnaayeen hay’ado dawli ah oo dhisani ma jirin, maanta se arrintu sidaa ma aha. Caqabaduhu maanta waxa ay daaran yihiin shacabka oo dalbanaya duruufaha nololeed oo la kobciyo iyo kor u qaadidda u sinnaanta gaadhista awoodda iyo khayraadka, oo ah arrimo ay yar tahay waxa uu ku darsan karo golahan hawlgabka ahi. Shaqo la’aanta cirka isku sii shareeraysa, maceeshada sammada isku sii laalaysa iyo wararka beenta ah ee baraha bulshada dhex hoganaya waxa ay sii kordhiyeen quusta bulshada.
Cabdiqaadir Jirde oo ah guddoomiyaha gudidda cusub ee la yidhaa Gudidda Nabadda Qaranka ayaa soo koobay heerka ay gaadhsiisan tahay xaaladdu, mar uu ka hadlayay Shirka Nabadda Sanaag oo Ceerigaabo ka qabsoomay, waxaanu yidhi “gobolka Sanaag waxa isu gaadhay qabyo soo taxnayd tan iyo isticmaarkii. Waxa tabashadii bulshada mid gacan ka hadal ah u beddelay kaabayaasha dhaqaalaha oo aan jirin, adeegyadii bulshada oo maqan iyo maalgelin la’aan.”
Axmed Yuusuf Yaasiin oo madaxweyne ku xigeen ka soo noqday Somaliland ayaa tilmaamay in tu taas oo kale ahi ka taagan tahay gobollada Awdal iyo Selal, isagoo xusay in ay ilaa maanta jiraan dhibaatooyinkii uu gobolladaa ku soo arkay 1970-nadii oo uu maray isagoo qayb ka ahaa ololihii far Soomaalida ee Bar ama Baro.
Dimuqraadiyadda oo ah tiirka labaad ee Somaliland ku dhisan tahay waxaa lagu xoojiyay qaadashada nidaamka xisbiyada badan. Kaas oo loo dejiyay si awoodda loogu celiyo gacanta shacabka, taas oo shacabka u suuragalisay in ay toos u doortaan hoggaanadooda. In kaste oo aynnaan u qalin qaadin qiimaynta nidaamka labaatanka iyo dheeraadka sano jiray ee xisbiyada badan ee Somaliland, haddana, waxa aan muuqata in ay xisbiyada siyaasaddu noqdeen sallaan xafiisyada dawladda lagu halabsado, halkii ay ka noqon lahaayeen madallo lagaga shaqeeyo siyaasad dejinta iyo dib u habaynta, ama lagu hindiso ajendayaal khuseeya tabashooyinka guud ee shacabka. Dimuqraadiyadda ka dhex jirta xisbiyada siyaasada oo liidata iyo iyaga oo noqday mulkiyad qof gaar ahi leeyahay ayaa wiiqday awooddii ay kaga jawaabi lahaayeen tabashooyinka bulshada ama ay ku dhalin lahaayeen isbeddel macna leh. Waxa intaa dheer, Xisbiyada Qaranka oo lagu koobay saddex keli ah iyo iyadoo la laalay musharaxnimada madaxabannaan, taas oo xoojisay aragtida dhigaysa in aan doorashooyin lagu dhalin karin isbeddel siyaasadeed.
Caqabadahan waxaa ku ladhmay tabashooyinka horumar ee muddada soo taagnaa, bulsho dhallinyar u badan oo baraha bulshada fadhida oo ka xidhiidh furan xausuusta wixii la soo maray iyo waaqaca degel-siyaasadeed ee sida murgan isu beddelaya, hadday tahay shuraakooyinka cusub ee hanaqaadaya, xiisadaha gobolka ka oogan iyo xanafta Somaliland kala dhaxaysa Soomaaliya ee sii kordhaysaaba waxa ay sii xoojiyeen kala qaybsanaanta gudaha, xilli ay colaaduhu aad u xidhiidhsan yihiin.
Iyada oo waxaas oo dhan jiraan, haddana nabad waarta iyo barwaaqasooranba waa mid ay Somaliland gaadhi karto, balse, waxaa shardi u ah in hoggaanka siyaasadeed ee Somaliland ku baraarugaan duruufaha dabada ka riixaya qalalaasaha amniga gudaha Somaliland, kuwaas oo maanta muuqda, balse xukuumadda cirro ay iska indho tireyso.
