Waxaa kordhaya walaaca iyo is-mari-waaga ka taagan arrimaha doorashooyinka, waxaa mudooyinkii ugu danbeeyey sii kala fogaanayey dhinacyada Siyaasadda, arrimahan waxaa warbaahinta uga waramay Maxamed Faarax Shiike, oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku nool magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Shiike oo ugu horeyn ka jawaabayey sida uu u arko khilaafka ka dhex oogan dhinacyada siyaasadda isku haya ayaa yiri ” Waqtigan wuu dhamaaday muddo xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku ekaa 15-ka May oo ahayd maalintii la doortay, Waxaa ayaan darro ah dowladda oo waqti badan heysatay in ay dayacday arrimihii muhiimka ahaa”
Wuxuu Aqoonyahan Maxamed Shiike sheegay in dowladda ay curyaamiyeen, dagaalkii Raaskambooni, wax ka baddelka dastuurka iyo arimo kale, kuwaas oo aan ahmiyad badan lahayn, xilli baddelkeeda laga rabay in ay u diyaar garowdo dhamaadka muddo xileedka.
Aqoonyahanka ayaa nasiib darro ku tilmaamay dib u dhaca doorashada oo sida uu sheegay ay ka dhalatay firaaq dastuuri ah, kaas oo laga fogaan karay sida uu hadalka u dhigay.
Maxamed Shiike ayaa sidoo kale duray hannaankii wax ka baddel loogu sameeyey dastuurka, kaas oo sida uu sheegay ahaa mid aan loo dhameyn, lagana lahaa dano siyaasadeed.
Aqoonyahanka oo ka mid ah dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda xog-ogaalna ah ayaa inoo xaqiijiyey in waqtigan Golaha Mustaqbalka ay leeyihiin hal qorshe doorasho, kaas oo ay isku raaceen, inkastoo weli aysan bulshada usoo bandhigin, laakiin sida uu inoo sheegay maanta fekir mideysan laga gaaray.
Ugu danbeyntii Aqoonyahan Maxamed Shiike ayaa niyad jab ka muujiyey in saaxiibada Soomaaliya ama Beesha Caalamka laga tala galiyo arrimaha masiiriga, iskuna soo dhaweeyaan dhinacyada Soomaalida, wuxuuna xusay in doorkaasi ama kaalintaas looga fadhiyey in ay ciyaaraan Indheer-garadka Soomaaliyeed, maaddaama arrimuhu yihiin kuwo masiiri ah, oo Soomaalida un quseeya.
