Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada qorshe Maxamed Cali Nuur Ameeriko loogu magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqddisho, isaga oo beddelaya Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Xil ka qaadista la qorsheynayo ee Muungaab, waxey imaaneysa xilli uu jiro tuhun xoogan oo la xiriira musuqa baahsan ee ka dhex jira dowladda hoose ee Xamar, waxaana ilaa iyo waqtigan maqan dhaqaalle aad u fara badan.
Dhaqaalahan waxaa jeebka ku ritay Muungaab iyo xubno uu la yimid, kuwaas oo gacanta u geliyey masuuliyado ka waa weyn, Xafiisyadii gobolka waxey noqdeen kuwo aysan ka socon wax howl ah waxaana kuwii naas nuujinta uu ku keenay muungaab ay ku guul dareysteen in ay gutaan masuuliyadii loo igmaday, iyadoo maanta lagu eedeynayo in ay aqalo ka dhisteen canshuurtii shacabka.
Madaxweynaha oo tabashadaasi dhowr jeer ay xafiiskiisa ugu tagtay ayaa la tashiyo la sameeyey indheergaradka Bulshada, kuwaas oo qudhooda dalbanayey in is-badel lagu sameeyo hoggaanka gobolka.
La tashiyo toddobaadkan soo jiitamayey kadib wuxuu Madaxweynuhu garwaaqsaday in Duqa Muqdisho uu ka dhigo Ambasador maxamed cali nur Ameeriko, oo ah aqoonyahan qibrad iyo waaya aragnimo u leh dowladnimada.
Hortabin Media ayaa oggaatay in Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo hadda ah Maareeyaha Dekadda Muqdisho lala wadaagay magacaabistiisa ku aadan Gobolka Banaadir.
Magacaabista la filayo ee Maareeya Cali Ameeriko ayaa dababa socota isbeddel-ka muuqdo eeuu ka sameeyay Dekadda Muqdisho oo muddo kooban uu joogay, taas oo aad loogu amaanay. isla markaana uu ku kasbaday quluubta shacabka iyo tan madaxda ugu sareysa dalka.
Maxamed Cali Nur Ameriko oo ay Soomaalidu ku tuhmayaan Daacadnimo, hal-karaan qofnimo, iyo masuul ku sifoobay isku wad bulsho, ayaa la filayaa in magacaabistiisa ay u riyaaqaan in ka badan 3-milyan oo Caasimada ku nool, kuwaas oo sanadihii ugu danbeeyey ay daashatay hoggaan xumi.
Sida la saadaalinayo Imaanshaha Cali Amerika ee Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar, waxey wax badan ka baddeli doontaa howlaha gaabiska ah ee xafiisyada gobolka ka socda, maadaama uu yahay masuul la dareen ah bulshadiisa .
