Faragelinta Itoobiya ay ku heyso gudaha Soomaaliya ayaa waqtigan noqoneysa mid kordheysa, waxaana dhawaan saraakiil sar sare oo ka tirsan militariga Itoobiya ee ku sugan degmada doolow ee gobolka Gedo ay soo saareen awaamiir fajac abuurtay, iyagoo muddo seddex casho ah u qabtay in ay baled-xaawo kaga baxaan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku sugan.
Saraakiishan oo sida la xaqiijiyey aanan ka tirsanayn ciidamada Itoobiya ee qebta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, ayaa ah kuwa gobolkaasi u jooga garab siinta maamulka Jubaland, waana qorshe kale oo ay Itoobiya ku xoojineyso faragelintii ay ku heysay Soomaaliya.
Dhawaan ciidamadan Itoobiya ayaa weerar ku qaaday taliskii nabad sugida Soomaaliya ay ku lahaayeen Doolow, iyagoo gabi ahaanba dab qabad-siiyey Xaruntii Nisa ee halkaasi ku taallay, xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu ku sugnaa Addis abbaba.
Amarkan ka soo baxay ciidanka Itoobiya ee aan ka tirsanayn howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa waxaa si kulul uga hadlay guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Garbahaarey, kaas oo tilmaamay in qorshaha Itoobiya uu yahay mid aan u cuntameynin bulshada ku nool Gedo.
Maxaa waqtigan ku soo beegmay faragelinta ciidamada Itoobiya ee gobolka Gedo?
Faragelinta Itoobiya ee waqtigan ku soo beegantay ayaa lagu micneeyey mid DF looga hor istaagayo in ay si buuxda gacanta ugu dhigto gobolkaasi, maddaama faragelintu ay ku soo aaday wixii ka danbeeyey qabshadashii CXD ay kula waregeen magaalada baladxaawo.
Hakinta howlgalada ciidamada dowladda ee gobolkaasi iyo in lagu wiiqayo is fahan dhex mara Jubaland iyo dowladda dhexe, ayaa itoobiya ku riixaya qorshahan.
Tallaabooyinka Itoobiya ee faragelinta ku qotoma waxaa xoojinaya aaamusnaanta dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ilaa iyo iminka aan wax war ka soo saarin ficilkan foosha xun.
Dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda amniga oo warsaxafaadedde soo saartay waxey keliya qoraalkeeda ku dhaleeceysay madaxda jubaland, oo ay ku sifeeyeen kuwo sii hurinaya xiisada ka taagan gobolka gedo.
Jubaland ayaa iyana dhankeeda DF ku eedeysay in ay masuul ka tahay xaaladdaha amni darro ee uu la daalaa dhacayo gobolka Gedo.
Geesta kale Taliyaha Ciidamada Nisa ee gobolka Gedo Cabdirashiid Janan oo ka hadlay faragelinta Itoobiya ayaa ku hanjaby in ay ka hortagi doonaan cid walba oo diidan dowladnimada Soomaaliya.
Arrintan ayey sidoo kale aad uga caroodeen shacabka gobolka Gedo, kuwaas oo banaanbaxyo kala duwan dhigay, iyadoo dibadbaxii ugu danbeeyey uu ka dhacay magaalada baladxaawo, kaas oo looga soo horjeeday Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolkaasi.
Dibadbaxyaasha ayaa ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah Ciidanka Itoobiya oo sheegeen in ay weerar ku yihiin Madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Sidoo kale xogo dheeraad ah ayaa sheegaya in arrintan uu dabada ka riixayo safiirka cusub ee ay Itoobiya usoo magacday Soomaaliya, kaas oo dhawaan warqadihiisa aqoonsiga uu ka gadoomay madaxweyne Xasan Sheekh.
Arrintan ayaa noqotay mid fadeexad ah, maadaama Itoobiya ay Soomaaliya u soo dirsatay safiir halis badan ku ah qaranimada Soomaaliya,, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku guul-daraysatay in ay hubiso shaqsiyaadka ay ogolaanayso in ay dalka safiiro ka noqdaan, safiirka cusub ee Itoobya ayaa la ogaaday inuu yahay nin u ololeeya kala goynta Soomaaliya, oo taageera gooni isutaagga Somaliland.
Safiirkan cusub oo lagu magacaabo Suleiman Dedefo,Waa nin si joogto ah bartiisa Twitter ama (X) ugu falanqeeya arrimaha Soomaaliya, isagoo dowladda federaalka u yaqaana “nidaamka fashilmay ee Muqdisho” wuxuu hadda ku biiray kooxda awoodda badan ee C6+ oo xarunta Xalane ee Muqdisho degan.
Danjiraha cusub ee Itoobiya u fadhiya Soomaaliya,ayaa mar uu ka hadlayey arrinta hawada Soomaaliya wuxuu bartiisa X ku soo qoray, “Nidaamka fashilmay ee Muqdisho: Waa Burcad hawadeed oo soo ifbaxaysa – Kooxda masuuliyadda la’aanta ah ee hadda awoodda ku haysa Muqdisho, waxay mar kale muujisay in aysan maamuli karin qaybtaas weyn oo xasaasi ka ah adduunka. Iyadoo biyaha badda ku teedsan Soomaaliya ay weli ku sugan yihiin xaalad amni oo halis ah.”
Ninkaan ayaa sidoo kale aad ugu ololeeya gooni isku taagga Somaliland, waana mid neceyb qoto dheer u haya dowladnimada iyo midnimada Jamhuuriyada Soomaaliya dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo u yaqaana “Nidaamka fashilmay ee Muqdisho” sidoo kale wuxuu qeyb ka yahay ragga u xil-saaran meel marinta qorshaha meel marinta Itoobiya ee ah in ay dekad iyo Saldhig ka hesho Soomaalya.
Si kastaba wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in degmada doolow ay ka soo ruqaansadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo kabaya kuwa jubaland, kuwaa oo usoo jiheystay dhanka baladxaawo, si ay halkaasi ugula dagaallamaan ciidamada dowladda ee iminka baladxaawo ku sugan, taas oo ah arrin nasiib darro ah, oo aan la aqbali karin in ay dowladda dhexe ka aamusto.