Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa badankood waqtigan u xusul duubaya in ay galaan tahriib, iyagoo dalal shisheeye ka raadinaya nolol tan dalkooda dhaanta
Aqoonyahanada arrintan u kuurgalay ayaa arrintan ku sababeynaya dhowr arrimood, kuwaas oo jiilka maanta ku xanbaaraya in ay dalkooda isaga cararaan
Sababaha la taaban karo ee dhallinyarada ku xanbaaraya tahribka ayaa laga xusi karaa: shaqo la’aanta, amni xumida iyo qadiyada wadaniyada oo aad ugu yar quluubtooda.
Shaqo la’aanta.
Sida cilmi baaris dhawaan la sameeyey ay tilmaameyso Soomaaliya waqtigan xadiga ugu badan ee ay shaqo la’aantu heyso waa dhallinyaro da’doodu u dhaxeyso 25- 35 sano.
Dhallinyaradan badankood waa kuwo dhameeyey heerarka kala duwan ee waxbarashada, haddana ma helin wax fursad ah, taas oo rajo la’aan ku riday, isla markaana ku riixday in ay doorbidaan tahriibka
Amni darrada.
Amni darrada baahsan ee ka jirta Soomaaliya, waxey soo de dejineysaa in dhallinyaro badan ay ka cararaan nabad galyo la’aanta dalka ka jirta.
Mar walba oo ay amni darradu kororto, waxaa siyaadaya kuwa ka baxsanaya dalkooda, ee nolol kale ka doonaya dalal shisheeya, waana arrin xalinteeda laga sugayo dowladda iminka muddada sanadka ah shaqeyneysa.
Wadaniyada oo yar.
Dhallinyaradan tahriibka u xusul duubaya badankood, waa kuwa dhashay intii ay dalka ka socdeen dagaallada, taas oo hoos u dhigeysa aragtidooda wadaniyada, iyo dal jaceelka.
Dhamaantood waa kuwa aan ku baraarugsaneyn kheyraadka dalka, kumana kalsoona in dalkooda ay ka heli karaan waxyaabaha ay ugu dudayaan dalalka shisheeye, waana arrin ay ka dhaxleen colaadihii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay
Dhaxalka kuwii hore.
Dhallinyaradii hore dalka uga tahriibtay ayaa la rumeysan yahay in badankood ay wajaheen dhibaatooyin culus, qaarkood ayaa ku naf waayey badaha, kuwa ayaa weli ku jira gacanta magafaha, halka qaar kalana ay ku xareysan yihiin xabsiyo kala duwan oo ku yaalla dalal shisheeye.
Balse dhallinyaradan oo aan eegeynin caqabadahaas, ayaa xoogga saaraya sidii ay ku tagi lahaayeen wadamada reer galbeedka, oo ay aaminsan yihiin, haddii ay tagaan in noloshooda ay wax badan iska baddeleyso.
Si kastaba, gudaha dalka waxaa maanta xoogeystay tahriibka oo qorshe nololeed u noqday dhallinyarada, waxaana looga hortagi karaa wacyi galin ballaaran oo loo sameeyo dhallintaasi si ay uga baaqsadaan khatartiisa