Maalmihii ugu danbeeyey dagaal beeleedyo khasaare gaystay ayaa ka dhacay magaalooyin ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo wal wal ku beertay dadka deegaanka.
Dagaaladan ayaa midkii ugu danbeeyey wuxuu ka dhacay degmada Qoryooleey, halkaas oo ay isku farasaareen maleeshiyo kala matasha labo beelood oo halkaasi wada dega.
Dagaalkaasi oo saacado socday ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana barakacay inta badan dadkii halkaasi ku sugnaa.
Waxaa ka sii horeeyey dagaal beeleed isna ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dhinacyada dagaallama ay ahaayeen ciidamo ka wada tirsan dowladda oo hab qabiil u abaabulan.
Xalinta dagaal beeleedyadan ayaa waxaa ka gaabiyey maamulka Koonfur Galbeed, taas oo muujineysa fashilka hareeyey madaxda maamulkaasi majaraha u heysa.
Dagaal beeleedydan ayaa waxyaabaha soo cel celinaya lagu sifeeyey, in aan cidna xil iska saarin sidii loo heshiisiin lahaa beelaha colaadoodu soo noq noqoto, waxaase muhiim ah in markan xoogga la saaro sidii la isugu soo dhaweyn lahaa beelahaasi walaalaha ah.