Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo saacadihii ugu danbeeyey warbaahinta kula hadlay aqalka cad ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay habka loo maray isfahamka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.
Trump wuxuu qiray in wadiiqo wanaagsan ay ku socdaan wax kasta, wuxuuna xusay in muddo ka hor ay adkeyd in la saadaaliyo guulaha lagu taamayo ee maanta laga gaaray wada hadalada.
Trump sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday in Iiraan ay sheegtay inaysan wax lacag ah ka qaadi doonin maraakiibta maraya Hormus, waxaana laga cabsi qabaa in qodobkan uu dhaliyo caqabado siyaasadeed oo hor leh.
Inkastoo Baakistaan ay tibaaxday in wada-hadallada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka ay dib u bilaaban doonaan toddobaadka soo socda, haddana Washington iyo Tehran waxay ku adkaysanayaan qodobo kala duwan oo ka mid ahaa isgaradkii ay kala saxiixdeen.
Balse waxaa xusid mudan Maalmihii ugu dambeeyay, kaddib kulankii ay Switzerland ku yeesheen kooxaha wada-xaajoodka ee Maraykanka iyo Iiraan, oo ay Pakistan dhexdhexaadisay, in saraakiil ka kala socday labada dhinac ay soo saareen hadallo adag oo is khilaafsan.
Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa ka falceliyay isbeddellada la xidhiidha isfahamka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, Afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay in Maraykanku uusan waligiis daacadnimo ka muujin hab-dhaqanka uu ku wajahayo shacabka Iiraan.”
Qoraal uu ku daabacay shabakadda X, wuxuu ku yidhi: “Inkasta oo Iiraan ay sabab u lahayd shakigan, haddana waxay si niyad-sami leh u gashay habka diblomaasiyadda, waxayna saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu soo afjarayo dagaalka lagu soo qaaday.”
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Iiraaniyiintu waxay og yihiin in dibinbaadyada cadowgu aysan ku dhammaan doonin saxiixa is-afgarad, wuxuuna xusay in si feejignaan leh ay u qaadi doonaan tallaabo kasta iyadoo sida uu sheegay Tehran ay tixgelinaya waayo-aragnimada 50-kii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan isbeddelladii dhacay sanad iyo badh-kii ugu dambeeyay.” wuxuuna dhanka kale ka digay adeegsiga hadlo dhaawacaya ama jabinaya ballaanqaadyadii hore loo kala saxiixday.
Geesta kale Durba Qaramada Midoobay ayaa bilowday hawlgal lagu daadgureynayo in ka badan 11,000 badmaax oo muddo bilo ah ku xanibnaa marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, kaddib heshiiskii dhexmaray Mareykanka iyo Iiraan ee lagu soo afjaray dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan.
Xoghayaha Guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Maraakiibta (IMO), Arsenio Dominguez, ayaa sheegay in hawlgalkan lagu fulinayo iskaashi dhow oo lala yeelanayo Iiraan, Cumaan, dowladaha kale ee xeebaha gobolka, Mareykanka iyo shirkadaha maraakiibta.
Marin-biyoodka Hormuz ayaa si weyn u xirmay tan iyo markii dagaalku billowday 28-kii Febraayo 2026, taas oo sababtay in boqolaal maraakiib ah ay ku xayirmaan halkaasi.
Dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ayaa sare u kacay toddobaadkii la soo dhaafay kaddib saxiixa heshiiska nabadeed, iyadoo ugu yaraan 36 markab oo ganacsi ay hal maalin gudaheed ka gudbeen marinkaasi.
Inkastoo Natiijo wanaagsan laga filayo Wada hadallaa u harsan Mareykanka iyo Iraan, haddana Hormus oo uu dagaalku saameeyey ayaa ka mid ah marinada ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalka iyo ganacsiga dunidu adeegsadaan, waxaana xaaladdiisa si dhow ula socda suuqyada iyo dowladaha caalamka.
