Kulamo xasaasi ah oo ay Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug ku yeesheen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa looga hadlay qodobo kala duwan oo muhiim ah.
Labada masuul kulmada ay yeesheen oo qaatay saacado badan ayaa looga dooday iskaashiga dhanka amniga, nabadeynta iyo is-dhexgalka bulshada labada maamul oo ah kuwo ood-wadaag ah.
Labada Masuul ayaa shirkooda ku gorfeeyey guulaha laga soo hoyey heshiisyadii ay hore dhinacyadu u gaareen, waxaana hoosta laga xariiqay ahmiyada ay leedahay in laga shaqeeyo daris wanaaga.
Kulanka kadib labada masuul ayaa soo saaray qoraal ka kooban 4-qodob kuwaan oo ay dhinacyadu ku heshiiyeen, waxanaa qodobadaasi ay kala ahaayeen.
1-Xoojinra iskaashiga amniga, nabadeynta, ganacsiga, dhaqaalaha iyo isdhexgalka bulshada ee Puntland iyo Galmudug.
2-Qabashada kulamo heer wasiiro ah oo saddex bildoodle ah, si loo xaqiijinayo mirodhalka dadaalladii socday.
3-In mashaariic horumarineed laga hirgeliyo deegaanadii ay colaaduhu saameeyeen, si ay bulshada usoo kabato.
4-In labada dowladood ay si wadajir ah ay daraasad mideysan uga sameeyaan maareynta biyo-saarista degmada Gaalkacyo.