Heshiiskii Ankara ee Bishii december ee sanadkii aynu ka soo gudubay, wuxuu fursad ballaaran u noqday Itoobiya, taas oo xilligan Soomaaliya ku riixday in ay ciidamadeeda qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee AU SSOM.
Inkastoo Itoobiya aanay ku jirin wadamada sida rasmiga ah howlgalkan nabad ilaalinta midawga afrika uga qeyb qaadanaya, haddana iyadoo ku soo ganbaneysa wada hadaladi Ankara, waxey iminka Soomaaliya ka dhaadhicisay inuu ciidankooda kaalin ku yeesho howlgalkan, taas oo hal bacaad lagu lisay ka dhigeysa dadaaladii kala duwanaa ee dowladdu bixisay iyo dareenkii farxad xanbaraasanaa ee ay bilihii la soo dhaafay muujinayeen shacabka Soomaaliyeed.
Addis oo niyad jab ka muujineysa in howlgalkan aanay qeyb ka ahayn ayaa 2-dii bishan Janaayo ee sanadakn curdunka ah, waxey Muqdisho usii dirtay wafdi ay hor-kaceyso Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya Caaisha Maxamed, kuwaas oo kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaandhga.
In yar un kulankaasi kadib Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashiga howlgalka cusub ee AUSSOM. Balse Qoraalkaasi laguma cadeyn nooca iskaashiga labada dal.
sidoo kale qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu wadahadalladii uu la qaatay dhiggiisa Itoobiya uu ku sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay tixgalinta codsiga Itoobiya ay ku doonayso in ciidamadeedu ay ku biiraan howlgalka AUSSOM ee bilowday Arbacadii aynu ka soo gudubnay.
dhanka kale Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo magaciisa codsaday inaan la carabaabin ayaa warbaahinta caalamiga u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu danbeyn aqbali doonto in ciidanka Itoobiya ay ka mid noqdaan howlgalka AUSSOM, wuxuuse xusay in arrintaasi ay soo shaac bixi doonto maalmo kooban kadib.
Geesta kale Sida ay Itoobiya xaqiijisay labada dhinac ayaa isku afgartay in kor loo qaado booqashooyinka iyo wada-hadallada la is waydaarsanayo, waxaaa la filayaa in madaxda sare ee Soomaaliya ay dhawaan tagaan Addis Ababa.
Dadka sida dhaw ula socda xaaladda Siyaasadda dalka, ayaa meehanawgan iyo jahwareerkan dhanka diblomaasiyadeed ku macneeyey mid lagu marin habaabinayo bulshada, waxeyna hoosta ka xariiqeen in Dowladda Soomaaliya ay waqtigan garab ka dayeyso Itoobiya, sababo la xiriira khilaafka kala dhaxeeya maamulada qaar, kuwaas oo marka la eego xiriirka dowladda fedraalka kala dhaxeeya uu ka dhaw yahay midka ay Itoobiya la leeyihiin.
Villa Soomaaliya oo fursadan ka faa’iideysaneysa, ayaa xilligan daneyneysa in Itoobiya ay ku biiriso howlgalka cusub, si ay uga hesho garab ku wajahan in talada maamuladaasi la hoos keeno, isla markaana goobahaasi ay madaxtooyda ka hirgaliso doorashada qofka iyo codka ah ee ay ku taameyso.
dhanka kale Howlgalka cusub ee Midowga Afrika oo la magac baxay AUSSOM ayaa ah kan la wareegaya hoggaanka ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, inkastoo aan la hubin liiska ugu dambeeya ee dalalka ay ciidamada ka joogayaan Soomaaliya, haddana waxaa culeys badan abuuri doona sida dalalka durba liiskooda gudbiyey loogu qancin lahaa in ay dhimaan tirada ciidamada loo qorsheeyey, maaddaama ay ku xisaabtamayaan dhaqaalaha howlgalkan ka soo galaya.
Waxaa dhinaca kale walaac hor leh abuuraya loolanka siyaasadeed ee uu howlgalkan ka dhex abuuray dalalka Masar iyo Itoobiya, oo ay muddo dheer xiisad kulul oo webiga Nile ah u dhaxeysay.
Qubaro badan ayaa aaminsan in heshiiskan soo if baxaya ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saleysan Howlgalka AUSSOM, uu sababi karo xurguf soo kala dhex gasha Soomaaliya iyo Masar, waxaana aakhirka dhici karta in Soomaaliya ay lumiso Xukuumadda Qaahira iyo Tan Asmara oo si aad ah ula duubtay Soomaaliya, maalmihii adkaa.
Si Kastaba Rajo xumo aad u ballaaran ayey bulshada badankood ka muujinayaan kalsoonida ay waqtigan dowladdu siineyso Itoobiya, iyo kaalinta ay ku yeelanayaan howlgalka cusub, waxaana shicbigu ay tilmaamaayaan in dibin-daabyo iyo natiijo la’aan ay ku soo idlaaneyso fursada siyaasadeed ee Madaxtooyada uga dhex muuqata joogitaanka Itoobiya, taas oo ah in ay loo soo gacan galiso, maamullada diidan qorshaha dowladda dhexe, waxaana taa baddelkeeda la rumeysan yahay in Itoobiya ay sii kala fogeyneyso dhinacyada si aanay u bur burin saameynta ay ku leedahay gudaha Soomaaliya.