Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay wadahadal la fureyso kooxda Al Shabaab, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.
Wada hadaladan ay yeelanayaan Dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaa waxaa gar-wadeen ka ah seddex dowladood oo waa weyn sida ay wararka horu-dhaca ah sheegayaan.
Dowladaha Qatar, Turkiga iyo Norway ayaa ah kuwo wada hadaladan garwadeenka ka ah, waxaana la filayaa in ay dhawaan is hor-fadhiistaan dowladda Soomaaliya iyo xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Al Shabaab.
Ilaa iyo iminka la shaacin waqtiga rasmiga ah ee ay wada hadaladani furmayaan, hase ahaatee waxaa lagu rajo weyn yahay in ay dhawaan ka qabsoomaan dalka Qatar, waa sida xoguhu sheegayaan.
Quburo badan oo aan la xiriirnay, ayaa Hortabin u sheegay in ay adag tahay in waqtigan wada hadal ay yeeshaan Dowladda iyo Al Shabaab, sababo la xiriira kooxda oo aan diyaar u ahayn wax wada hadal ah.
Arrintan ayaa waxaa dhawaan soo hadal qaaday Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabishakuur Warsame, kaas oo dowladda kula taliyey in wada hadaladan ay la socodsiiso bulshada, isla markaana laga tala galiyo dhamaan saamileyda siyaasadda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa bilooyin ka hor sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wada hadal la furto Al Shabaab, xilli uu ka qeyb galayey kulan Muqdisho ka dhacay.
Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan ka qeyb galay shirka Oslo ayaa isaga qudhiisa qiray in dhamaadka Al Shabaab uu ku imaan karo oo qura wada hadal lala furo kooxdaasi.