Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sacaadihii ugu danbeeyey ka soo baxay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, oo ay dhawaan la wareegeen.
Ciidamada ayaa magaalada uga soo baxay xeelad dagaal sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaalya.
Wasiirka ayaa xusay in ciidamadu ay dib ugu soo laabteen fariisimahoodii hore, wuxuuna sheegay in ay sameyeen dib u gurasho, sababo la xiriira khataro kala duwan oo gadaamanaa.
Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dhulka la qabtay ay sanado badan gacanta ku hayeen Al Shabaab, sidaad awgeed-na ay weli saameyn ku leeyihiin, wuxuuse tibaaxay in ay wadaan qorshe ay uga nadiifinayaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.
Wuxuu ugu danbeyntii tilmaamay in ciidamadu aanay ka fogeyn Ceelbuur, isla markaana ay dhawaan qabanayaan, balse wuxuu taa baddelkeeda tilmaamay in ay kooxda ka suulinayaan meelaha ay ka soo qaadayaan weerarada gaadmada ah.