Sida lagu wado 20-ka bisha Janaayo 2025-ka waxaa xilka la wareegaya Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Donald Trump, waana markiii labaad ee xilka Aqalka Cad uu qabto, Haddaba sida la xasuusto Siyaasadda Madaxweyne Trump ee ku aadanayd Soomaaliya teeramkiisii hore, waxa uu Soomaaliya ka soo saaray ciidamadii Mareykanka.
Waqtigan Madaxweynaha cusub Donald Trump, waxaa muuqata inuu sii wadi doono siyaasadiisa Amercan first oo ah in mudnaanta koowaad uu siiyo Mareykanka, mana kala cadda waxay noqon doonto siyaasadiisa Africa, gaar ahaan Soomaaliya.
Qaar ka tirsan Aqoonyahanadaiyo fallanqeyaal ku sugan Gudaha Dalka ayaa sheegaya in Soomaaliya haddii Maraykanku aanu ka taageerin dagaalka kooxaha argagixisada ay wajihi doonto halis amni oo qoto dheer.
Saciid Axmed ayaa sheegaya in Trump uu sameyn doono tallaabadii uu ku dhaqaaqay muddo xileedkiisii hore, wuxuuna xusay in ay istaagi doonto gabi ahaanba taageeridii dhanka ciidamada ee Mareykanku uu siinayey Soomaaliya, taas oo khatar amni ay ka dhalaneyso.
Prof Liibaan Xuseen Ciise ayaa isaguna aaminsan in Trump oo gabi ahaanba jari doono kaalmadii uu Mareykanku siin jiray Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynaha xilka la wareegaya ku sifeeyey nin deg-deg badan oo qaata hadba go’aankii maskaxdiisa ku soo dhaca.
Ugu dambayntii Wasiiru Dowlihii hore ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo isagu ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegay in aanu filaynin In Donald Trump uu Soomaaliya Kala baxo ciidamdiisa, balse hadii ay taasi dhacdo waxa uu xusay in ay qasab tahay iskaashi dhex mara Xukuumadda Soomaaliya iyo Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Mareykanka, ayna sameeyaan galaangal ku aaddan in aanay marnaba habacsanaan ku imaanin la dagaalanka argagixisada.
Si kastaba Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaan la saadaalin karin siyaasadiisa, waxaana dad badan ay walaac ka muujinayaan in Trump uu qaato tallaabo la mid ah midii uu ku dhaqaaqay mudadii hore ee xil hayntiisa, maaddaama uu waqtigaas gudaha Soomaaliya kala baxay ciidamadiisa.
Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambaysay si weyn ugu tiirsanayd tababarada ay ciidamada Maraykanku siiyaan ciidamada Soomaalida, gaar ahaan ciidamada Danab iyo kuwa kale, waxana sidoo kale ay ka taakuleysaa dhinaca dhaqaalaha, taasoo keentay in Soomaaliya ay guulo is daba joog ah ka soo hoyso arrimaha la dagaallanka argagixisada.