Xalay iyo habeenkii ka horeeyey waxaa la ciyaaray labo kulan oo ka tirsan lugta hore ee afar dhamaadka koobka Champion league, kuwaas oo aad xiiso u lahaa.
Man City oo Real Madrid ku booqatay garoonkeda Santiago Bernabeu ayaa kala soo laabatay natiijo bar baro ah, kadib goal ay keensadeen daqiiqadii 67-aad, kaas oo uu u saxiixay xidiga reer Belguim ee Kevin De Bruyne.
Kulanka labaad oo ka dhacay Magaalada Milano, gaar ahaan garoonka San Siro ayaa waxaa isku arkay kooxaha Magaaladaasi ka dhisan ee AC Milan iyo Inter Milan, waxaana 2:0 ku badisay kooxda Inter, oo goolasha la timid qeybtii hore ee ciyaarta.
Haddaba maxaa is baddeli kara kulamada lugta labaad ee Champion league waa su’aal ay is weydiinayaan inta badan daawadayaasha kubadda cagta.
Sida la hadal hayo kooxaha AC Milan iyo Real Madrid oo koobkan taariikh ku leh, isla markaana marar kala duwan ku soo guuleystay, ayaa la filayaa in lugta labaad ay la soo baxaan dar dar xooggan oo wax ka baddesha natiijada lugtii hore.
Kooxaha Man City iyo Inter ayaa iyaguna shideynin dab yar, waana kuwa xilli ciyaareedkan soo bandhigayey qaab ciyaareed aad u fiican.
Kulamada lugta labaad ayaa la ciyaari doonaa, toddobaadka soo aaddan, waana kulamo xiiso leh oo aad loo wada sugayo, wallow aan la ogayn labada kooxood ee iska xaadirin doontIa finalka koobkan oo ka dhacaya Magaalada Istanbul, gaar ahaan gigada Ataturk.