Ciidamada Macawiisleyda gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sameeyey howlgal aad u ballaaran, kaas oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.
Howlgalkan ayey macawiisleydu ka fuliyeen deegaanada Ruunirgood iyo deeeganada ku xeeran ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana laga soo hoyey guulo la taaban karo, sida ay saraakiisha Macawiisleydu sheegeen.
Saraakiisha ciidamada Macawiisleyda ayaa sheegay in ay howlgalkan ku fureen wadooyin ay hore u xireen Al Shabaab, kuwaas oo ku yaalla duleedka degmada Ruunirgood.
Ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa sheegay in howlgalkan ay joogteyn doonaan, ilaa dhulka howdka ah ay ka sifeeyaan kooxda Al Shabaab oo halkaasi weeraro rogaal celi ah ka soo qaada.