Tababaraha cusub ee kooxda Chelsea Mauricio Roberto Pochettino, ayaa bixiyey wareysi uu uga hadlayey waayaha adag ee ay ku jirto kooxda Chelsea, iyo masuuliyada tababarnimo ee uu la wareegay.
Pochettino ayaa go’aankii uu ku aqbalay inuu Chelsea leyliyo ku macneeyey, mid qof kasta ku adag inuu diido, marka la eego taariikhda ay kooxdu leedahay.
Tababarahan reer Argentine ayaa sheegay in Chelsea hankeedu uu yahay meesha ugu sareysa, taas oo ku xusan guullo iyo koobab is bar bar socda.
Wuxuu kalsooni badan ka muujiyey inuu ka soo dhalaali doono kaalinta tababarnimo ee Blues, isagoo intaasi ku daray in Chelsea 15-kii sano ee ugu danbeysay ay ahayd kooxda ugu fiican horyaalka Ingiriiska, marka la milicsado bandhigeedii guulaha lahaa ee ay ku hanatay koobabka badan.