Sida la shaaciyey Sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday xiriir hoose oo dhex maray Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al Shabaab, kuwaas oo ka wada hadlay arrimo la xiriira sidii hub loo siin lahaa Al Shabaab.
Saraakiil Mareykan ah oo tiradoodu gaareyso ilaa seddex ayaa Tv-ga CNN u xaqiijiyey arrintan, oo ay ku tilmaameen mid wal walkeeda wadata.
Xubnahan ka tirsan Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in ay hadda raadinaya cadeymo muujinaya in hubka Xuuthiyiinta la soo gaarsiiyay Soomaaliya, iyagoo sidoo kalana baaraya in arrintan ay ku lug leedahay Iran oo taageero ciidan iyo mid dhaqaalle siisa Xuutiyiinta yamen.
Mareykanka ayaa digniin ah in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan u diray dalalka geeska Afirka, sida ay sheegeen saraakiisha wareysiga bixisay, kuwaas oo intaasi ku daraya in dalalka gobolku ay ka walaacsan yihiin arrintan.
Iskaashigan ayaa saameyn culus ku yeelan kara geeska Afrika, maaddaama labada urur ay u dhaxeyso oo qura hal marin biyood, isla markaana Gacanka Cadmeed uu yahay meel muhiiim ah oo Istaraatiiji ah.
Qorshahan ayaa dhinaca kale fursad siinaya Al Shabaab, kuwaas oo suuragal ah in ay helaan hub casri ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) oo aysan iminka heysan, taas oo kooxda awood baaxad leh siin karta, isla markaana fududeyn karta in ay weeraro badan geystaan.
Xuutiyiinta ayaa waqtigan weeraro joogta ah ku haya maraakiibta ganacsiga iyo hantida ciidamada Mareykanka, tan iyo markii uu billawday dagaalka GAZA, iyagoo ku doodaya in ay u aargudayaan dadka lagu xasuuqayo Falastiin.
Gudaha Soomaaliya Mareykanka waxaa ka jooga ilaa 480 askari, kuwaas oo Soomaaliya ka caawiya tababarada ciidamada iyo dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab, waxaana mareykanku uu fuliyaa duqeymo lagu beegsado saldhigyada Al Shabaab ay ku leeyihiin gudaha dalka.