Dowladda Mareykanka ayaa mar kale garab istaag u muujisay Soomaaliya, kadib war cusub oo ay ka soo saartay xiisada ka dhalatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee horraantii sanadkan.
Richard Riley oo ah Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu horeyn sheegay in xiisada labada dhinac lagu xaliyo wada hadal, taas oo saamaxeysa in gobolku uu nabad ahaado.
Safiirka ayaa carabka ku adkeeyey in Mareykanka uusan marnaba aqoonsan doonin heshiiskaas oo xiisad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna ku micneeyey mid horseedi kara xasiloni darro, haddii aan laga baaqsan.
Safiir Richard Riley ayaa arrin niyad jab ah ku tilmaamay in Itoobiya aysan weli ka tanaasulin damaceeda, wuxuuna ku baaqay in xiisadan sida ugu dhaqsiyaha badan loo xaliyo.
Sidoo kale Danjiraha Maraykanka u qaabilsan geeska Afrika Mike Hammer ayaa cod dheer ku sheegay in Mareykanku uu taageerayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in dhinac looga soo wada jeesan doono cid kasta oo xad-gudub wada.