Dowladda Mareykanka ayaa Israa’iil ka dalbatay in ay beddesho wajiga uu ku socdo dagaalka Gaza, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Biden ee Mareykanka.
Sida laga soo xigtay Sarkaalkan, Mareykanka ayaa Israa’iil u soo jeediyey in gabi ahaanba joojiso wajiga uu ku socdo dagaalka, ayna ku baddesho howlgallo bartilmaameedsan.
Arrintan ayey Mareykanku sida uu sarkaalka sheegay uga gol leeyihiin yarenta geerida dadka rayidka ah ee isi soo tareysa, taas oo hadda numberkeedu uu si aad ah u kordhay.
Israa’iil ayaa sheegtay dhawaan in duqeymo ay ka fuliyeen Gaza ay si qalad ah ugu dileen 3- ka tirsan Israa’iiliyiinta gacanta ugu jira kooxda Xamaas.
Xamaas ayaa gacanta ku heysa weli in ka badan 130 Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo ay ka soo qafaasheen weerarkii kal hore ku qaadeen Israa’iil.
Iraa’iil ayaa sidoo kale dishay Sawir qaade ka tirsan Al Jazeera, kaas oo lagu dilay agagaarka Qan-yuunis oo ku taal koonfurta Gaza, iyadoo Tv-ga Al Jazeera uu ku eedeeyey Israa’iil in ay hor istaagtay gawaarida gurmadka caafimaadka ee soo doonay dhaawaca weriyaha, kaas oo markii danbe dhiig bax u geeriyooday.
Tan iyo markii ay duqeymaha billaabeen Israa’iil waxaa geeriyooday ka badan 18 kun oo Falastiiniyiin ah, waxaana maalinba maalinta ka danbeysa kordheysa tirada dhimashada.