Manchester City ayaa si aad ah u xiiseyneysa Daafaca Croatian-ka ah ee u ciyaara kooxda RB Leipzig Joško Gvardio, kaas oo ay ka gudbiyeen dalab, iminkase laga soo diiday.
Dalabka ay City ka gudbisay xidigan ayaa ku kacayey adduun lacageed gaaraya €75m, maaddaama Leipzig aysan dooneyn in ay xidigan ka bixiyaan wax ka yar €100m.
Waxaa weli socda wada hadalada labada kooxood, waxaana la filayaa in City ay dalab kale u dirto xidigan, si uu dhankooda usoo maro.
Kooxda Man City iyo xidiga Joško Gvardiol ayaa labo toddobaad ka hor gaaray heshiis shakhsi ah, waxaase la sugayaa sida City ay ugu qanciso Leipzig heshiiska xidigan oo ay ku dooneyso €100m.