Kooxda Manchester United oo hore looga soo diiday dalab ay ka gudbisay goolhayaha kooxda Inter, ayaa mar kale sameyneysa isku dey ay ku heli karto André Onana.
Red Devils, ayaa markaan miiska soo saartay lacag dhan €50m, si ay ula soo wareegto goolhayahan reer Cameroon.
Inter ayaa goolhayaheeda ku rabto €60m, balse ilo wareedyada qaar ayaa sheegaya in xitaa €55m ay qaadaneyso haddii Man United ay la soo shirtagto.
Goolhayahan oo uu aad u xiiseynayo macallinka United, ayaa goor hore heshiis shaqsi ah la gaaray United, waxaase xanibaya dhaqaalaha ay ku rabto in ay kula soo wareegto.
Si Kastaba waxaa adag in Inter ay €50m isaga iibiso André Onana, balse weli waxaa socda wada hadalada labada naadi.