Kooxda Manchester United ayaa wada hadaladii ugu horeeyey la furtay Inter Milan, si ay ula soo wareegaan goolhayaha reer Cameroon André Onana.
United ayaa si hordhac ah miiska usoo saaartay lacag dhan £39m, balse Inter ayaa goolhayan ku rabta in ay ka hesho iibintiisa lacag gaareysa €60m.
Wada hadalka ayaa sii socon doona, maaddaama uu aad u badan yahay xiisaha ay United u qabto goolhaye André Onana.
Tababaraha Kooxda Man United ayaa hore macallin ugu ahaa goolhayahan oo ay waqti ku soo wada qaateen Ajax, waxaana isagoo goolka ku jira ay Ajax gaartay semi-final-ka Champions League sanadii 2019-kii.