Kooxda Manchester City ayaa ku guuleysatay koobka FA-ga, kadib markii ay kooxda ay deriska yihiin ee Manchester United ay ku garaacday 2-1. City labada gool waxaa u dhaliyey laacibkooda qadka dhexe ee Ilkay Gundogan.
Kabtan Gundogan ayaa dhaliyay goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa taariikhda finalka FA Cup-ka, isagoo kubbad la yaab leh ku dhaliyay 12-ilbiriqsi kadib, wuxuu sidoo kale saxiixay goolkii guusha ee City koobka ku qaaday Todobo daqiiqo kadib markii laga soo noqday nasashada qaybtii hore ee ciyaarta.
Gundogan oo ah 32 sanno jir ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee laba gool ka dhaliya finalka koobka FA Cup tan iyo Nat Lofthouse oo u ciyaari jiray kooxda Bolton Wanderers sannadkii 1958.
Sidoo kale halka gool ee ay United dhalisay wuxuu ahaa rigoogre, waxaana u dhaliyay daqiiqadii 33-aad ciyaaryahan Bruno Fernandez.