Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan si adag uga hadlay amniga Muqdisho, wuxuuna sheegay in waqtigan la joogo goortii la qaadi lahaa dhagxaanta ku xiran inta badan wadooyinka Caasimada.
Haddaba Waqtigan mala joogaa xiligii la qaadi lahaa dhagxaanta ku go’an wadooyinka Muqdisho?
Su’aashan waxaa ka jawaabay qaar ka mid ah qubarada aqoonta u leh amniga, kuwaas oo la hadlay Hortabin Media, si ay afkaartooda u cabiraan.
Aqooyahanda qaar ayaa qaba in waqtigan ay muhiim tahay in la qaado dhagxaanta ku xiran wadooyinka magaalada, taas oo fududeyn karta nolosha dad caasimada, oo iminka u eg mid xaniban.
Kuwo kale ayaa ku doodaya in waqtigan aanan la joogin goortii la qaadi lahaa dhagxaanta, iyagoo arrintaasi u sababeynaya xaaladda amni ee uu dalku ku jiro, iyo in weli taagan tahay khatartii amniga ee Al Shabaab.
Si Kastaba Waxaa arrintan aad u soo dhaweeyey dadka Muqdisho, si gaar ah darawalada gaadiidka dadweynaha iyo kuwo mooto Bajaajta loo yaqaano, kuwaas oo ku baaqay in dhaqan galiyo go’aanka uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha.