Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadka soo socda booqasho labo maalmood ah ku tagi doona dalka Uganda.
Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda, madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada-hadallo laba geesood ah la yeelan doona madaxweynaha martida loo yahay, Yoweri Museveni, waxaana lagu wadaa in ay ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin amniga, maalgashiga, ganacsiga, iyo iskaashiga gobolka.
Uganda ayaa ka mid tahay shanta dal ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis).
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo intii xilka loo doortay socdaal ku tagay dhowr dal oo Afrika iyo caalamka ah.
Axmed Dhaqane, Nairobi