Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in nasiib darro ay ku dhacdo Maamulka Waqooyi Galbeed kaddib markii Cabdiraxmaan Cirro maamulkiisa uu sheegay in Magaalada Qudus u aqoonsaday in ay leedahay Israa’iil oo xoogga ku haysato.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Caalamka aan Muslimka ahayn uu ka xishooday in uu dhulkaas u aqoonsado Israa’iil oo xoog ku haysata balse Maamulka Cabdiraxmaan Cirro oo aan ka fiirsan uu qaatay go’aankaas qaldan.
Waxa uu xusay in aanay dhici Karin inay Soomaaliya ay Qudus u aqoonsato Israa’iil in ay leedahay oo caasimad u tahay, waxa uu ceeb ku tilmaamay tallaabada maamulka Waqooyi Galbeed ku dhiirraday oo u baahan in la iska tiro ceebtaas sida uu hadalka u dhigay.
“Caalamka aan Muslimka ahayn ayaa ka xishooday in Safaarad uu ka dhigto Qudus, waa nasiib darro in calan towxiidka ku qoran yahay maanta laga taago Qudus oo la leeyahay Israa’iil ayaa iska leh, Walaalaha Waqooyiga ku nool waxa aan leenahay nama qabato noomana qaadanto ceebtaas waana in aan iska tirnaa una caqli celino kuwa sidaasi sameeyay, waana arrin caro alle keenaysa”. Ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.
Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa cambaarayn kala kulmay dalal badan oo meel ka fog ka istaagay in tallaabadii Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ay ku sheegtay in ay safaarad ka furatay Magaalada Qudus oo kamid ah Magaalooyinka ugu qiimaha badan Muslimiinta balse haatan uu xoog ku haysto cadawga.
