Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta xilkii ka qaaday Raktarkii Jamacadda Ummadda Dr Xasan Cumar Mahadallah isagoo magacaabay Sii-hayaha Raktarka Jamacadda Ummadda oo noqonaya Dr Xasan Cismaan Gacal sida ku cad xeer Madaxweyne LR 144 .
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa faray xafiisyada Jamacadda in ay la shaqeeyaan Sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Ummadda Dr Xasan Cismaan Gacal .
Bayaankan ayaa xafiiska Madaxweynaha ka soo baxay, iyadoo aan la ogayn waxa ay salka ku heyso xil ka qaadistan.
Xil ka qaadista masuulkan ayaa ku soo beegmeysa, xilli maalmahan ay soo shaac baxday arrin ku aadan inuu goostay macallin ka tirsanaa Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed.