Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga arrinsanayey dhammeystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Khawaarijta Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida warbixin ku saabsan amniga dalka iyo dadaalada socda ee halganka lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dalka oo xor ah, si nabad ahna ay ugu kala gooshayaan magaalooyinka iyo deegaannada la xoreeyey.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey laamaha ammaanka sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda uguna heelan yihiin badqabka nololeed iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay duullaanka ku yihiin argagixisadu, waxa uuna ku adkeeyey shacabka in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidankooda.
Shirkan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’isulwasaare xigeenka, Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caddaaladda, Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.
TRENDING
- Qormo: Dhulboobka Muqdisho iyo tacadiyada loo geysanyo rayidka
- Ruushka oo dhaq-dhaqaaqyo xoogan uga jawaabay caddaadisa dhaqaalle ee uga imanaya Yurub
- Ruushka iyo Venezuela oo heshiis iskaashi kala saxiixday
- Xaaladda guud ee siyaasadda Gaza iyo Israa’ii oo weli fulineysa duqeymo
- Khasaare xoogan oo ka dhashay dagaallada ka socda Waqooyiga gobolka Darfur ee Sudan
- Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo lagu arkay xeebaha Venezuela
- Duqeymaha ay diyaaradaha shisheeye ka fuliyaan Soomaaliya oo waxyeelo badan gaarsiiyey rayid
- Canbaareynta ONLF ee Xarig jarka Mashruuca Gaaska Dabiiciga ah dagaal cusub ma horseedi kartaa?

