Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga arrinsanayey dhammeystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Khawaarijta Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida warbixin ku saabsan amniga dalka iyo dadaalada socda ee halganka lagu cirib-tirayo argagixisada, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan dalka oo xor ah, si nabad ahna ay ugu kala gooshayaan magaalooyinka iyo deegaannada la xoreeyey.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey laamaha ammaanka sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda uguna heelan yihiin badqabka nololeed iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay duullaanka ku yihiin argagixisadu, waxa uuna ku adkeeyey shacabka in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidankooda.
Shirkan waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’isulwasaare xigeenka, Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caddaaladda, Diinta iyo Awqaafta, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida.
TRENDING
- SOOMAALIYA: Qiimaha shidaalka oo weli cirka ku jira, xilli uu qiimihiisu hoos u dhacay!!
- Pakistan oo howlgalo ka fulisay xadka ay la wadaagto Afghanistan
- Golaha khubaradda Iran oo fatwooday dilka Trump iyo Netanyahu
- Nicolás Maduro oo ka hadlay xaaladda Venezuela Xilli uu weli u xiran yahay Mareykanka
- Midawga Yurub oo Walaac ka muujiyey Xiisada gobolka Tigreega
- Maxaa ka soo kordhay Is-afgaradka ay kala saxiixdeen Mareykanka iyo Iran?
- Wadamada Ajiibay Baasaboorka Soomaaliga
- Khasaaraha ka dhashay dhulgariir ku dhuftay Venezuela
