Kim Jong Un oo ah Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ku goodiyey in Dowladdiisa ay Isticmaali doonto hubka halista badan ee Nukliyeerka, waa haddii Xulufada Maraykanka ay isku dayaan in ay weeraraan.
Madaxweyne Kim Jong ayaa hoosta ka xariiqay in Kuuriyada Waqooyi ay ka feejigan tahay isku dey weliba oo iyaga ka dhan ah, oo garab lagu siinayo Kuuriyada Koofureed oo ay horay u kala go’een.
Wuxuu uga digay Mareykanka inuu isku dayo, inuu taageero siiyo Kuuriyada Koonfureed, taas oo sida uu xusay ay ka bixin doonto dowladiisa jawaab cad.
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in Dunida ay cagaha la sii galeyso jawi colaadeed sidaas awgeedna ay diyaar u yihiin in ay iska caabiyaan cid kasta oo ku soo xadgudubta dalkooda.
Kim Jong Un ayaa tibaaxay in sababta ay u kordhiyeen farsameynta gantaallada noocyadiisa kala duwan ay tahay in ay ka hortagaan wax walba oo dhankooda lidi ku ah maaddaama ay jiraan cadaw badan ay leeyihiin, kuwaas oo maleegaya qorshayaal halis ku ah dalkiisa.